Wasiirka Isku Casilay Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

0
Tuesday November 28, 2017 - 10:31:44 in by Burco Office
  • Visits: 372
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Isku Casilay Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

    Wasiirka Isku Casilay Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Isku Casilay Mudaharaadyo Rabshada Wata Oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Pakistan Zahid Hamid ayaa xilka iska casilay maanta kadib mudaharaadyo rabshada wata oo todobaadyadii lasoo dhaafay kala xiray isu socodkii magaalada caasimada ah ee Islamabad.


Dadka mudaharaadka dhigayey oo u badnaa taageerayaasha xisbi Islaami ah oo dalkaasi ka jira ayaa ku eedeeyey Wasiirka iyo Xukuumada talada heysa hindise sharciyeed cusub oo la xariira xeerka Doorashada, iyagoo ku eedeeye Wasiirka inuu sharcigii horey u yiilay uu ku bedalay mid aan islaami ahayn.

Xiisada ayaa ka dhalatay kadib markii hindise Sharciyeedka cusub laga saaray dhaarta Murashaxiinta Doorashada galeysa laga qaado oo ah inay ku dhaartaan Illaahooda iyo Nebi Maxamed SCW iyo waliba inay ku dhaartaan inaysan xubin ka ahayn Axmediyada. Arrintan ayey xisbiyada mucaaridka ee islaamiga ah ku sheegeen mid wadada loogu baneenayo inay murashaxiinta kamid noqdaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Axmediyada.

Banaanbaxyadan oo ahaa markii hore kuwo ku kooban goobo cayiman ayaa faraha ka baxay todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana Sabtidii magaalada Islamabad ku dhintay lix qof kadib markii ay gacanta isula tageen shacabka mudaharaadayey iyo Booliiska oo ay Maxkamada dalkaasi ku amartay inay kala dirto dadka wadooyinka waaweyn xiray.

Xukuumada ayaa shalay ku baaqday in ciidamada Militariga ay arrintan soo dhexgalaan isla markaana gacan siiyaan ciidamada Booliiska, waxayna iscasilaada Wasiirka kusoo beegantay kadib markii ay sheegeen dadka mudaharaadka wada inay sii wadi doonaan gadoodkooda.

Iscasilaada Wasiirka ayaa guul u ah kooxaha mudaharaadka waday isla markaana cadaadis xoogleh saaray Dowlada Pakistan oo sheegtay inay ka noqotay hindise sharciyeedkii xiisada dhaliyey.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey warbaahinta dalkaasi iyo baraha internetka ee lagu sheekaysto hawada ka maqnaayeen kadib markii ay dowlada xirtay adeegyadaasi iyadoo ka cabsi qabta inay sii fidaan rabshadaha ka dhacay magaalooyinka waaweyn sida Islamabad, Karachi iyo Lahore.