Zimbabwe: Lacagta Loo Ballanqaaday Robert Mugabe Iyo Qoyskiisa

0
Tuesday November 28, 2017 - 11:11:40 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zimbabwe: Lacagta Loo Ballanqaaday Robert Mugabe Iyo Qoyskiisa

    Zimbabwe: Lacagta Loo Ballanqaaday Robert Mugabe Iyo Qoyskiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zimbabwe: Lacagta Loo Ballanqaaday Robert Mugabe Iyo Qoyskiisa

Waxaa soo baxaya xog dheeraad ah oo laga helayo balanqaadka loo sameeyey Madaxweynaha xilka ka degay ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe iyo qoyskiisa.

Mugabe oo soo xukumayey dalkaasi Zimbabwe 37dii sano ee lasoo dhaafay ayaa todobaadkii tagay xilka isaga degay kadib markii uu cadaadis kala kulmay Militariga iyo Xisbigiisa. Balse Mugabe ayaa la sheegay inuu xilka ka degay markii loo sameeyey balanqaad dhaaqaale.

Xogta laga helayo saraakiisha militariga ee wadahadalka kula jiray hogaamiyahaasi ayaa sheegaya in loo balan qaaday Mugabe lacag dhan 10 milyan oo dollar inuu xilka isaga dego. Lacagtiisi oo 5 milyan loo hormariyey.

Waxaa taasi usii dheer, dowlada ayaa bixin doonta Mushaharkiisa oo gaaraya $150.000 dollar bishii, illaa inta uu ka dhimanayo. Waxay sidoo kale dowlada bixin doontaa adeegiisa caafimaadka iyo safarkiisa dibada.

Wuxuu Mugabe sii degenaan doonaa guriga uu hada degen yahay, waxaana loo ogolaaday inuu sii heysto dhamaan hantidii uu horey uga helay dowlada oo ay ku jiraan guryo badan.

Militariga ayaa sidoo kale u balan qaaday Mugabe inuu heysan doono illaaladiisa khaaska ah.