Tuullo Ku Taalla Dalka Algeria Oo Dadka Ku Nool Indho La'yihiin Oo Jiil ba Ka Jiil Kala Dhaxla Indho La'aanta

0
Wednesday November 29, 2017 - 09:58:27 in by Burco Office
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tuullo Ku Taalla Dalka Algeria Oo Dadka Ku Nool Indho La'yihiin Oo Jiil ba Ka Jiil Kala Dhaxla Indho La'aanta

    Tuullo Ku Taalla Dalka Algeria Oo Dadka Ku Nool Indho La'yihiin Oo Jiil ba Ka Jiil Kala Dhaxla Indho La'aanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuullo Ku Taalla Dalka Algeria Oo Dadka Ku Nool Indho La'yihiin Oo Jiil ba Ka Jiil Kala Dhaxla Indho La'aanta

ndhuhu waa laxaad aad u muhiim oo Ilaahay SWT inagu mannaystay oo ay habboon tahay in aynu Ilaahay ugu mahadnaqno.
تنزيلDalka Algeria ayaa waxa ku taalla Tuulo dadka ku nool badankoodu ay indho la’yihiin, tuuladan ayaa waxay u dhexaysaa labada magaalo ee Dismiselt iyo magaalada Cayn Al-diflaa.


Tuuladan ayaa magaceeda la yidhaahdaa Qahwat Al-riix waxaanay dad badani u yaqaanaan tuulada indhoolayaasha waxaana ku nool 100 qof, waxaa la sheegay in 70% ay yihiin kuwa indhoolayaal ah, arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxay tahay in dadkaasi indhoolayaasha ahi ay jiil ka jiil soo kala dhaxleen indha la’aantaasi.
Dhakhaatiirta dalkaasi ayaa ilaa iyo haatan ku hawlan sidii ay u ogaan lahaayeen sababta dadkaasi ku keentay indho la’aanta ilaa iyo haatana wax maarayn ah uma hayaan tuuladaasi, durruufta dhaqaale ee dadka tuuladaasi ku nool waxay tahay mid aad u adag, dadka qaarkood ayaa aaminsan in indho la’aantaasi uu sabab u noqday beerista ay dadka ku nool tuuladaasi beertaan tiinka halka ay dadka qaarkiina aaminsan yihiin in arrintaasi ay tahay mid ay dadkaasi kala dhaxleen oo ilaa iyo haatan la garan la’yahay sababta arrintaasi dhalisay.
Dadka indhaha la ee tuuladasi ku nool ayaa qaarkood waxay dhashaan iyaga oo indho qaba, balse markay muddo yar jiraan kadib way indho beelaan halka qaarkood ay soo dhashaan iyaga oo dam ah oo aan waxba arkayn.
Dhakhaatiirta dalkaasi ayaa sheegay inay sii waddayaan dedaalka ay ugu jiraan wax ka qabashada arrintaasi waxaanay ilaa iyo haatan baadhayaan sababta arrintaasi keentay.