"MARKA AY OGAADEEN IN XUKUUMADDA WAKHTIGU KA DHAMMAADAY AYAY YIDHAAHDEEN KA GAADHSIIYA, MADAXWEYNE MUUSE WAXA AANU LEENAHAY SI DEG-DEG NOOGA QABO" DADWEYNAHA REER BERBERA

0
Wednesday November 29, 2017 - 14:28:48 in by Burco Office
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "MARKA AY OGAADEEN IN XUKUUMADDA WAKHTIGU KA DHAMMAADAY AYAY YIDHAAHDEEN KA GAADHSIIYA, MADAXWEYNE MUUSE WAXA AANU LEENAHAY SI DEG-DEG NOOGA QABO" DADWEYNAHA REER BERBERA

    "MARKA AY OGAADEEN IN XUKUUMADDA WAKHTIGU KA DHAMMAADAY AYAY YIDHAAHDEEN KA GAADHSIIYA, MADAXWEYNE MUUSE WAXA AANU LEENAHAY SI DEG-DEG NOOGA QABO" DADWEYNAHA REER BERBERA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"MARKA AY OGAADEEN IN XUKUUMADDA WAKHTIGU KA DHAMMAADAY AYAY YIDHAAHDEEN KA GAADHSIIYA, MADAXWEYNE MUUSE WAXA AANU LEENAHAY SI DEG-DEG NOOGA QABO" DADWEYNAHA REER BERBERA

Dadweynaha Reer Berbera Oo Sida Fiinta Uga Qaylinaya Dhul Ay Bilowday Xukuumadda Uu Wakhtigeedu Dhammaaday
-Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa maamulka dawladda hoose ee Berbera ayaa ganacsato gaar ah ku wareejisay dhulka xeryaha ciidamada ee ku yaalla aagga garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.


Xukuumadda uu muddo xileedkeedu dhammaaday ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa bilowday inay ka faa’iidaysto wakhtiga kala guur oo ay faasaxdo dhulka danta guud ah.
Dadweynaha reer Berbera ayaa indhaha ku haya tallaabada uu ka qaadi doono Madaxweynaha cusub ee la doortay Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi dhulka danta guud ah ee la boobay.
Qaar ka mid ah dadweynaha danyarta ah ee ku nool Magaalada Berbera oo u warramayay Tv-ga Saab ayaa si adag uga hadlay dhulka danta guud ah ee la boobayo wakhtiga kala guur ah iyo intii ay tallada haysa xukuumadda uu wakhtigeedu dhammaaday.
"Dhul boobkii ka dhacay magaalada Berbera, halka aynu joognaa waa xeebtii dhinaca waqooyi ka xigtay Nec Fish-ta, waxa uu ahaa dhulkani banaan aad arkaysaan iminka ilaa bbc-da ilaa raasiga waa la leeyahay ayaa la leeyahay intii Cabdishakuur joogay ayaa dhulkana la boobay, waxa aanu ahayn dad iskaashato ah 10 sanno ka hor ayuu Maayir Siciid na siiyay waa lanagu qabsaday, sharcigii oo aaanu haysano ayuu maayir Ina cidin nagu qabsaday” Nin Dhallinyaro ah oo ka mid ah dadkii la hadlay Saab Tv ayaa sidaa yidhi
"Waa raasigii dekedda, annagu markii hore ganacsato ayaanu ka ahayn oo waanu degenay oo wax soo saar ayaanu kala soo bixi jirnay, marka ay dawladdu leedahay waxa aanu siinaynaa dad gaar ah oo idinku uma qalantaa oo danyar ayaad tihiin ee dad lacag leh oo dhisa ayaa la siinayaa, halkani waa meel dawladeed oo haddii ay dawladu na leedahay dawladda ayaa u baahan oo dekedda ayaa loo dhisayaa waanu ogolnahay, laakiin Ina Cidin isaga ayaa u baahan oo dhisanaya waxa hareeraha naga xiga oo dhan isaga ayaa iska leh, halka dekedda ayaaba u baahan laakiin in cid gaar ah la siiyo marka ay ogaadeen in dawladda wakhtigu ka dhamaaday oo ay yidhaahdeen ka gaadhsiiya, Madaxweyne Md. Muuse Waxa aanu leenahay si deg-deg wax uga qabo dadka, si deg-deg annaga nooga qabo, dalkana si deg-deg ah wax uga qabo” ayay tidhi hooyo ka mid ah dadka danyarta ah ee ku ganacsan jiray dhulkan danta guud ah eelagu wareejiyay dadka gaar ah.