Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Erey Bixinta Siyaasadeed Ee Jeegaanta Iyo Tirada Wasiirada Ah Ee Uu Filayo Inuu Soo Magacaabo Muuse Biixi, Muxuuse Madaxweynah Cusub Ee Muuse.

0
Thursday November 30, 2017 - 11:24:20 in by Burco Office
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Erey Bixinta Siyaasadeed Ee Jeegaanta Iyo Tirada Wasiirada Ah Ee Uu Filayo Inuu Soo Magacaabo Muuse Biixi, Muxuuse Madaxweynah Cusub Ee Muuse.

    Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Erey Bixinta Siyaasadeed Ee Jeegaanta Iyo Tirada Wasiirada Ah Ee Uu Filayo Inuu Soo Magacaabo Muuse Biixi, Muxuuse Madaxweynah Cusub Ee Muuse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Cali Guray Ka Yidhi Erey Bixinta Siyaasadeed Ee Jeegaanta Iyo Tirada Wasiirada Ah Ee Uu Filayo Inuu Soo Magacaabo Muuse Biixi, Muxuuse Madaxweynah Cusub Ee Muuse.

Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa markii u horaysay ka hadlay arimo xasaasi ah oo ku saabsan Mustaqbalka jeegaanta siyaasadeed ee ay bah wadaagta ku yihiin labada beelood ee Habar Awal iyo Habar jeclo,Waxa uu ka filayo Madaxweynaha la doortay,iyo Tirada Wasiiradda ah ee uu rajaynayo inuu ku dhawaaqo Madaxweynaha Cusubi,isagoo sidoo kalena carabka ku dhuftay in Somaliland Wax badan ka faa’iidi doonto Madaxweynaha la doortay.


Cali Guray oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa ugu horayn yidhi"Horta jeegaantu todobada midab ayay leedahay,dadka uunbaa laba ka soo qaadayee,Todoba reerna way noqon kartaa,oo bari iyo galbeedba ah,anigu waxaan u bixiyayba jeegaanta bariga iyo Galbeedka,waayo waxay ka xumaan lahayd iyadoo bariguna uu bari ahaado galbeedkuna bari noqdo,markaa waxanina waa dan horta,oo Khasab maaha,inay mar kasta laba reer Jeegaan noqdaan,saddex ayaa noqon kara,kuwo shalay ayaabaa maanta kala leexa kara,sidaa ay ujirayso way isbad badeli kartaa,laakiin markasta isxulafaysigu wuu jirayaa”.
Sidoo kale waxa uu yidhi"Umalayn maayo inay taalo sabab ay ku kala tagaan Jeegaanta Habar Awal iyo Habar Jeclo,waxa lagu baabiin karaa,Miyuu ka xidhan yahay Beelaha kale Kulmiye,hadii ay jirto arintaasi oo labadaasi reer mooyaane waa qalad,haddiise loo siman yahay oo cid kale iska soo sharaxi karto,waaba lagu guulaystee maxaa loo baabiin,waxa ay ku xidhan tahay uun duruufta markaasi taagan,laakiin majirto inay labadaasi beelood ee jeegaantu ku heshiiyeen inay waligoodba wadaan,taasi majirto”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi"Muuse waxa uu ku dhici karayaa inuu wixii inaga qaloocan toosiyo oo dad badani ay ka war wareegaan,iyo inuu Musuq maasuqa xadeeyo,maanta 69-Wasiir ayay Somaliland leedahay,duruuf ayaa keentay,dadku iskuma helayaan inay yidhaahdaan Reer Walba iyo ardaa waliba aan helo wasiir,wixii yaraa ee ay umaddu haysanay ay Lixdaan iyo intaasi kala raacaan farahooda,iyo inay yidhaahdaan Wax qabad aanu helno,Markaa waxa ku adkaanaysa sida uu u dhisi karo Xukuumadda ugu kooban,ay Somaliland u baahan tahay,anigu haddii aan Todoba iyo toban wasiir filayo inuu toban kale oo xal ah ku daro ayaa laga yaabaa,laakiin inay soddonka kayaraanayso ayaan filayaa,Anigu waxaan aaminsahay inaanu reerka uu ka soo jeedo cad weyn siin,maadaama oo uu isagii ka soo jeedo inaanu reerkiisa mansabyada waa weyn siin,sidaydaba waxaan aaminsanahay inuu mansabyada waa weyn siiyo beelaha darafyada Somaliland ee aan isaaqa ahayn”.
Guud ahaanba Somaliland waxa si weyn loogu dheg yaagayaa dawladda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha dhawaan al doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi .