Xildhibaan Australian ah oo masuuliyad looga qaaday wax uu ka sheegay Shiinaha

0
Thursday November 30, 2017 - 11:43:35 in by Burco Office
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Australian ah oo masuuliyad looga qaaday wax uu ka sheegay Shiinaha

    Xildhibaan Australian ah oo masuuliyad looga qaaday wax uu ka sheegay Shiinaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Australian ah oo masuuliyad looga qaaday wax uu ka sheegay Shiinaha

Xildhibaan Australian ah ayaa laga qaaday masuuliyad sare oo uu hayay ka dib markii la soo bandhigay cod laga duubay oo caddaynaya in uu baalmaray siyaasaddii xisbigiisa ee ku wajahnayd Koonfurta Badda Shiinaha.

Sam Dastyari ayaa Khamiistan banneeyay xilkii sare ee uu ka hayay xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha.

Codka laga duubay oo maqal ah ayaa sifaahfaahsan u sheegaya sida uu u taageersan yahay meesha uu Shiinuhu ka taagan yahay Badda Koonfurta Shiinaha, codkaasna waxaa laga duubay shir jaraa'id oo uu qabtay sannadkii hore.

Dastyari ayaan horraan wax wayn uga soo qaadadin mar su'aal laga waydiiyay.

Codkan oo ay baahiyeen warbaahinta Australia ayaa la maqli karaa Dastyari oo leh, Australia ma ahan in ay gacmaha la gasho "taariikh kumannaan sano soo jirtay".

"Ka run sheegidda xadka Shiinaha" waa arrin Shiinaha u taalla," ayuu yiri.

Hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ee Australia Bill Shorten ayaa sheegay in hadalka uu horay u sheegay Dastyari uu marin habaabin ahaa. Xisbiguna uu taageersan yahay xukunka maxkamadda caalamiga ah ee murannada kaas oo liddi ku ah sheegashada Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha.