Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines oo ay duuliyeyaal yari haysato

0
Thursday November 30, 2017 - 11:43:35 in by Burco Office
  • Visits: 634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines oo ay duuliyeyaal yari haysato

    Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines oo ay duuliyeyaal yari haysato

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines oo ay duuliyeyaal yari haysato

Waxaa la shaaciyay in 15,000 oo ka mid ah duulimaadyada ay shirkaddu qorshaysay xiliyada fasaxa in ay duuliye la'aan yihiin ka dib markii ay shirkadda soo wajahday cilad farsamo.

Ciladdan farsamo oo soo wajahday hannaankii ay shirkaddu ku shaqaysanaysay ayaa fasax siiyay duuliyeyaal aad u badan inta u dhaxaysay 17-31 Disembar, sida ay shirkaddu E-mail ugu sheegtay shaqaalaheeda toddobaadkii hore.

Bayloodyada ayaa hadda loo soo bandhigay in ay lacago dheeri ah ku badashaan wakhtigooda fasaxa si ay u shaqeeyaan.

Urur ay leeyihiin shaqaalaha duulimaadyada oo fadhigiisu yahay Maraykanka ayaa arrintan ku tilmaamay "mashaakil"

War qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee American Airlines ayay ku tiri "waxaan si wanaagsan uga shaqaynaynaa sidii loo maarayn lahaa arrintan, ayna rajaynayaan in ay ka baaqsan doonaan in ay duulimaadyo baajiyaan xiliga fasaxyada.

"Waxaan haysanaa duuliyeyaal kayd ah si ay nooga caawiyaan in ay buuxiyaan duulimaadyada bisha Disembar, duliyeyaasha ogolaada in ay duulimaadyada qaar ka shaqeeyaanna waxaan saacad kaste lacagtooda ugu dari doonaa 150%."

Ururka duuliyeyaasha ee la dhoho The Allied Pilots Association oo matala duuliyeyaasha ka shaqeeya diyaaradaha ganacsiga ah ayaa sheegay in aysan wali ka helin shirkadda American Airlines wax xog ah oo ku saabsan sida ay doonayso in ay u xalliso arrintan.