Mid Ka Mida Caqabadaha Culus Ee Horyaalla Madaxweynaha La Doortay Iyo Raggii Xisbiga Kula Soo Surmiyay Oo Intooda Badani Quuddaraynayaan Xilal Sare Oo Uu Ku Taxo

0
Thursday November 30, 2017 - 11:43:35 in by Burco Office
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mida Caqabadaha Culus Ee Horyaalla Madaxweynaha La Doortay Iyo Raggii Xisbiga Kula Soo Surmiyay Oo Intooda Badani Quuddaraynayaan Xilal Sare Oo Uu Ku Taxo

    Mid Ka Mida Caqabadaha Culus Ee Horyaalla Madaxweynaha La Doortay Iyo Raggii Xisbiga Kula Soo Surmiyay Oo Intooda Badani Quuddaraynayaan Xilal Sare Oo Uu Ku Taxo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Ka Mida Caqabadaha Culus Ee Horyaalla Madaxweynaha La Doortay Iyo Raggii Xisbiga Kula Soo Surmiyay Oo Intooda Badani Quuddaraynayaan Xilal Sare Oo Uu Ku Taxo

Caqabadaha Culus ee illaa hadda Dibada u soo baxay ee horyaala Madaxweynaha Cusub ee la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa ka mid ah in inta badan Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee uu Mudada dheer soo hogaaminayay ay u hanqal taagayaan in lagu daro Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,iyadoo ay Bulshada Somaliland si weyn ugu dheg taagayso nooca ay noqonayso Xukuumaddani iyo sida uu u maareeyo Arimahani ee uu ugu sad qaybiyo Dhamaan Bulshada Somaliland.


Warar Hor dhac ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi uu si qoto dheer ugu mashquulsan yahay sidii uu u qancin lahaa iyo talabaadii uu ka qaadan lahaa Raggii ay inta badan Xisbiga ka soo wada tirsanaayeen ee geed dheer iyo mid gaabanba u soo fuulay Sidii uu Kursiga dalka looga arimiyo ugu fadhiisan lahaa,Waxaanay wararkani sheegayaan in Kulankii maalintii Doraad ahayd uu la yeeshay gudiyadii Ololaha u qaabilsanaa Xisbiga uu fariin culus u dhex dhigay cid kasta oo xisbiga ka tirsan oo hunguri hayo islamarkaana uu si dadban ugu gudbiyay inaanay cidna isku halayn,oo aanay ka filin inay wax u dhacaan sida ay doonayaan,Waxa kale oo uu kulankaasi u muujiyay Mahadnaq iyo inuu aad ugu bogaadinayo sida hawlkarnimad leh ee ay ulasoo shaqeeyeen.
Ragga hogaanka Xisbiga Kulmiye ka tirsan ee guclo orodka ugu jira inay ku soo baxaan Xukuumadda Madaxweynaha Cusubi soo dhisayo ayaa waxa ka mid ah Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Muj Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xasan Maxamed Gaafaadhi oo la sheegay inay iyagu Xil wasiirnimo raajicinayaan, iyo Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo isna xil Wasiirnimo doonaya,Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf,Iyo rag kale oo uu horseed ka yahay Axmed Muumin Seed oo isagu doorashada dhawr bilood ka hor ka soo diga rogtay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,Waxa kale oo jira Rag door ah oo Xisbiga ka tirsan islamarkaana ka mid ah raggii aadka uga agdhawaa Madaxweynaha la doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi kuwaasi oo u hanqal taagaya inay ka mid noqdaan Golihiisa Wasiiradda ee ugu horeeya iyagoo isku arka inay ugu mudan yihiin. Iyadoo dhinaca kalena ay bulshada Somaliland ka dhursugayso inuu Muuse Biixi soo dhiso Dawlad tiro yar oo tayo leh oo lagu wada qanco, islamarkaana la iska wada dhex arko oo si cadaalad ah oo siman looga wada dhex arki karo Beelaha Somaliland oo dhan.
Caqabadahan iyo kuwo kale oo samayn ku yeelan kara Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye ayaa horyaala Madaxweynaha Cusub Muuse Biixi Cabdi, Waxaanay dadka Siyaasada gorfeeyaa isha ku hayaan sida uu uga dabaasho iyo sida uu u maareeyo arimahani isku raranta ah,inkasta oo uu durba dhinaca uga guuray oo ay adag tahay inay is arkaanba oo uu galay gudaha Qasriga Madaxtooyadda. Waxa si weyn loo dareemayaa dhaq dhaqaaqa Masuuliyiin Muuse Biixi ay Saaxiibo dhaw ahaayeen islamarkaana baadi goob ugu jira,waxana muuqata inaanu Muuse cidna markii uu bannaanka joogay wax balan qaad ah u sii samayn xiitaa kuwii Xisbiga la hogaaminayay ee hadh iyo habeenba agjoogay.