Kooxo hubaysan oo labo wiil oo Soomaali ah ku dilay Koonfur Afrika

0
Thursday November 30, 2017 - 11:43:35 in by Burco Office
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubaysan oo labo wiil oo Soomaali ah ku dilay Koonfur Afrika

    Kooxo hubaysan oo labo wiil oo Soomaali ah ku dilay Koonfur Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubaysan oo labo wiil oo Soomaali ah ku dilay Koonfur Afrika

Kooxo hubaysan oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa xalay maqribkii labo wiil oo Somali ah ku dilay goob ganacsi oo ku taala magaalada Johansberg ee dalkaasi , xili ay qorshaynayeen in ay boobaan goobtooda ganacsi.

Labada wiil ee Somalida ah oo ahaa walaallo isla dhashay ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Salaad iyo Liibaan Salaad ,waxaana ay kamid ahaayeen Soomalida ka ganacsata dalka Koonfur Afrika.

"Walaal dilka waxaa fuliyay 12 nin oo qaarkood lo malaynayo in ay askar ahaayeen ,waxa ay dukaanka ugu galeen labada wiil ,waxaana ay waydiisteen lacag baad ah ka hor intii aysan labadaba goobta ku toogan " ayuu yiri Maxamed Cali Geeddi oo kamid ah Somalida ku nool Johansberg.

 

"Markii hore waxa ay dhaawaceen Cumar si Liibaan uu u soo aruuriyo lacagta mehrad-da taal ,waxaase la yaab ah in Booliska ay bad-baadin kareen Cumar oo dhaawac garabka ah qabay " ayuu yiri Geeddi.

"Waxaa Cumar uu dhaawacu gaaray 7:00 Fiidnimo xiliga Koonfur Afrika ,waxaana boolisku ay goobta soo gareen isla markiiba ,ma jirin wax gargaar ah oo loo fidiyay ,waxaana isaga oo dhaawac ah uu dukaanka ku jiray ilaa iyo 11: 00 habeenimo , goobta ayuuna ku geeriyooday " ayuu mar kale xusay Geeddi.

Dilalka noocaan ah ayaa la sheegay in aad u kordhaan bilaha November iyo December ee sanad walba ,waxaana loo aanaynayaa ciid-da Kirismiska oo la sheegay in kooxaha tuugada ah ay u baahdaan lacago ay khamri ku cabaan.

Ugu danbayn , tan iyo sanadkii 2008-da dad tiradoodu kor u dhaafayso 1900 oo qof ayaa si nacayb ku jiro loogu dilay gudaha Koonfur Afrika ,xilli dalkoodi hooyo aysan ka jirin dowlad awood leh oo xaqooda uga soo dhicisa dowladda Koonfur Afrika.