Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgallaya shirka Iskaashiga Wadamada Africa +Arimaha Uu Kaga Hadli Doono SHirka.

0
Thursday November 30, 2017 - 11:43:35 in by Burco Office
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgallaya shirka Iskaashiga Wadamada Africa +Arimaha Uu Kaga Hadli Doono SHirka.

    Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgallaya shirka Iskaashiga Wadamada Africa +Arimaha Uu Kaga Hadli Doono SHirka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgallaya shirka Iskaashiga Wadamada Africa +Arimaha Uu Kaga Hadli Doono SHirka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaaray caasimada dalka Ivory Coast ee Abidjan ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Félix Houphouët-Boigny Madaxweyne ku xigeenka dalkaas Daniel Kablan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Marcel Amon Tanoh iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay uga qayb galayaan magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast shirka 5aad ee madasha iskaashiga wadamada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.

Shirwaynaha hoggaamiyeyaasha Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo labo maalmlood socon doona ayaa waxaa lagaga wada hadli doonaa mustaqbalka xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iskaashiga ee dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqul iinsaanka, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda halkan isugu yimid si loo sii xoojiyo xiriirka iskaashi ee ay Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Safiirrada Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Midowga Afrika iyo La-taliyeyaal.