Jahawareer HOr Leh Oo Ka Dhex Aloosan Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada

0
Thursday November 30, 2017 - 11:43:35 in by Burco Office
  • Visits: 521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jahawareer HOr Leh Oo Ka Dhex Aloosan Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada

    Jahawareer HOr Leh Oo Ka Dhex Aloosan Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jahawareer HOr Leh Oo Ka Dhex Aloosan Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Wasaaradda Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshada

Guud ahaan Shaqaale waynaha Somaliland iyo Cid kasta oo warkii shalay gaadhay ayaa ku jahaweertay cidda rasmi ahaan sharci u leh inay fasax galiso Shaqaalaha weynaha Somaliland oo ay ku jiraan Kuwa Dawladu,kadib markii uu shalay Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Cismaan Sheekh Muxumed ku dhawaaqay inay fasax yihiin dhamaan shaqaalaha Weynaha Somaliland,Maalinta dhalashada Mawliidka Nebigeena "CSW” Awgeed oo maanta ah, waxaanay su’aalo badani ka imanayaan sababta ay Wasiiradii ka horeeyay u faro galin waayeen Arintaasi ee ay ugu daba fadhiisan jireen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo ah Hay’ad Madax bannaan oo Qaranku leeyahay inkasta oo ay hore warbaahintu u sheegtay in ay dhawr jeer labadan hay’adood isugu qabsadeen cidda fasaxa rasmiga ah galinaysa shaqaalaha dawladda.


 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska Cismaan Sheekh Muxumed ayaa sidan ka sheegay maruu shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa waxana hadaladiisa ka mid ahaa sidan "Waxaan halkan hambalyo bogaadin uga dirayaa dhamaanba Shacbi waynaha Somaliland,dal iyo dibadba iyo umadda Muslimiinta ah ee daafaha dunida ku nool,Waxa Bari toole oo ay taariikhdu tahay 12-ka Bisha Rabiicul Awal, Taariikhda Miilaadiguna tahay 30-ka Bishii 11-Aad,2017-ka,waxa weeyi dhalashadii Nebigeenii Suubaanaa "CSW”,Waxaananu halkan ku wargalinaynaa oo aanu awaamiir u siinaynaa shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha dalkeena inay baritoole fasax ahaan doonto,oo aynu munaasibadda ku waynayn doono dhalashada Nebigeena "CSW”,”.
Waa markii u horaysay ee uu fasax galiyo shaqaalaha Somaliland Masuul Haya Xilka Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Qoyska,iyadoo si gaar ah arimahaasi ay guud ahaan Qaranka ugu xil saarnayd Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo masuulka kolba joogaa uu iclaamiyo fasaxyada sidan oo kale ah balse Wasaaradda shaqada lagu ogaa inay mar mar iyo dhif ka hadasho arimahani shaqaalaha siiba marka ay gaadho Cabasho ay qabaan Shaqaalaha shirkadaha Gaar ah ka shaqeeya.
Dad badan ayaa xalay wax iska waydiiyay yeedhmada ka soo baxday Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Qoyska oo aan hora looga baran inay fasax galiso Shaqaale waynaha Somaliland, waxaanay dad badani u arkanaa inay talaabadaasi tahay farogalin shaqo aanay u xil saarnayn Wasaaraddu. Waxa jira wasaarado door ah oo ka tirsan kuwa Somaliland oo meelo badan iska soo gala islamarkaana u baahan in sharci ama xeer kala xadida helaan ama loo sameeyo,balse lala sugayo oo ay ku xidhan tahay Dawlad awood leh oo dalka ka dhalata.