Siyaasi Barkhad Jamac Batuun Oo Tallooyin U Jeediyay Madaxweynaha Cusub, Kana Hadlay Jidka Laamayda Ah Ee Loo Sameeyay Guriga Muuse Biixi

0
Thursday November 30, 2017 - 12:40:16 in by salman abdi
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Barkhad Jamac Batuun Oo Tallooyin U Jeediyay Madaxweynaha Cusub, Kana Hadlay Jidka Laamayda Ah Ee Loo Sameeyay Guriga Muuse Biixi

    Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Batuun oo mar walba Qoraaladdiisa iyo ra'yigiisa ku cabbira hab wadaniyadeed oo dal jacayl ku dheehan yahay ayaa talo dhaxal gal ah usoo jeediyay Madaxweynaha Cusub ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Batuun oo mar walba Qoraaladdiisa iyo ra'yigiisa ku cabbira hab wadaniyadeed oo dal jacayl ku dheehan yahay ayaa talo dhaxal gal ah usoo jeediyay Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

,Waxa uu ka hadlay jidka Cusub ee hada loo yagleelay Guriga Xaaska Madaxweynaha Cusub waxaana uu ku tilmaamay arintaasi mid caqab ku ah Balanqaadkii uu Muuse Biixi Ololaha ku soo galay ee ahaa inuu wax walba sharciga iyo sinaanshiyaha Shacabka Somaliland ka horaysiinayo.

Qoraalka oo uu soo dhigay Barta uu Bulshada kala xidhiidho ee ku leeyahay Facebook-ga ayaa waxa uu ku yidhi sidan "Mudane, Madaxweyene. Guriga aad ku jirto waxaad degan tahay 27 Sanno oo Somaliland jirtay, waxaa intaas isku kaa dul badelay 4 xukumaddood, waxaad tahay odey waayaha iyo duruufaha dalka yaal xogogaal u ah, waxaad xaq iyo xuquuq distooriya u laheyd adiga iyo jaarkaaguba ineydun cashuurti la idinka qaadayey ku heshaan waddooyin wacan oo aad martaan. In maanta Magacaaga Madaxweynenimo ku hesho waddo 27 Sanno oo aad Muwaadin aheydna ku waydo waa mid ka hor imaneysa Hal~kudhiggii aad Ololaha doorashada ku gashay ee ahaa: ” Ballaanteenu waa sarreynta Sharciga” micnaha sareynta sharcigu waa u sinnaanshaha Madaxda iyo Muwaadinta maaliyadda iyo maamulka dalka, ilaha adeega aasaasiga u ah noloshana waxaa mudnaanteeda leh muwaadiniinta.
Waxa kale oo uu yidhi: "Mudane Madaxweyne waxa kula gudboon inaanad aqbalin tallaabooyinka noocan ah iyadoo deegaanadi dalka oo dhan doorashadi ka dhacday dadku kugu doorteen isbedel iyo wax qabad si weyna lagu sugayo, haddii aad hargeysa gudaheeda oo aad degan tahayna eegto xaafadaha, cakaara, maxamed mooge, qandahaar, daami iyo waliba state house oo agtaada ahi aaney laheyn waddooyin noocan ah. ceeb iyo canbaar taariikhiya ayey kugu tahay tanni. Mudane, Madaxweyne waxaad tahay Astaanta qaranka waa inaad u dhug yeelata tallaabo kasta oo aad qaadeyso kuwa ku talliyey iney waddadan dhigaan gurigaaga hortiisu waa kuwo kaa hor keenaya shacabka ku doortay oo tusaya inaad tahay hoggaamiye danta guud ka dahsoon tahay oo ta gaarka ahi ku weyn tahay!”. Ayuu yidhi Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.