Man United Oo Walaac ka Muujineysa Xaaladda Dhaawaca Ee Nemanja Matic Iyo Baqdin Laga Qabo Inuu Seego Kulanka Arsenal.

0
Thursday November 30, 2017 - 14:10:47 in by Burco Office
  • Visits: 816
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Walaac ka Muujineysa Xaaladda Dhaawaca Ee Nemanja Matic Iyo Baqdin Laga Qabo Inuu Seego Kulanka Arsenal.

    Man United Oo Walaac ka Muujineysa Xaaladda Dhaawaca Ee Nemanja Matic Iyo Baqdin Laga Qabo Inuu Seego Kulanka Arsenal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Man United Oo Walaac ka Muujineysa Xaaladda Dhaawaca Ee Nemanja Matic Iyo Baqdin Laga Qabo Inuu Seego Kulanka Arsenal.

Kooxda Manchester United ayaa walaac ka muujineysa xaaladda caafimaad ee Nemanja Matic kaas oo isagoo dhutinaya ka baxay kulankii ay 4-2 kaga adkaadeen Watford bartamaha isbuucaan, waxaana shaki la galinayaa inuu kasoo muuqdo kulanka Arsenal.

29-jirkaan ayaa dalbaday in la badalo intii ay socotay ciyaartii ka dhacay Vicarage Stadium, balse dhaqaatiirta kooxda ayaa dareensan in xidigaan ay heysato dhibaato dhanka muruqa ah loona baahan yahay in lagu sameeyo baaritaanno dheer si loo ogaado inuu taam u noqon karo ciyaarta.

Sida ay sheegayaan warbixinada laga helayo Ingiriisa, Matic wuxuu mari doonaa baaritaano badan inta uu ku sugan yahay xerada tababarkaCarrington training ilaa laga gaarayo safarka ay London ku aadayaan.

Starsportayaa qireysa in tababare Jose Mourinho uusan wax kalsooni ah ku qabin in xidigaan uu ka gudbi doono tijaabada caafimaad ee la marsiin doono si uu taam ugu noqdo kulanka Emirates Stadium, waxeyna ku noqoneysaa culeys weyn madama ay horay uga maqnaayeenMarouane Fellaini iyo Michael Carrick kaas oo ay dhibaato yar oo dhanka wadnaha ah heysato.

Hadii Nemanja Matic uu noqon waayo mid taam ah, waxaa la filayaa inAnder Herrera uu kusoo bilowdo kulankaas iyadoo ay xusid mudan tahay inuu kursiga keydka ahaa sadexdii kulan ee ugu dambeysay.