RUUSHKA OO GANAFKA KU DHUFTEY INUU XIDHIIDHKA U JARO DALKA KUURIYADA WAQOOY
Dowlada Ruushka ayaa diiday codsi uga yimid Maraykanka ah oo in ay xidhiidhka u
jarto dowlada Kuuriyada Waqooyi.
Maraykanka oo walaac weyn ka muujinaya tijaabada gantaalkii ugu danbeeyey oo uu dalka Kuuriyada Waqooyi tijaabiyey todobaadkan, ayaa ka codsaday dalalka weli xariirka laleh K/Waqooyi inay xiriirka u jaraan.
Dalalka Ruushka iyo China oo ah labada awoodood ee ugu weyn ee xidhiidhka laleh Kuuriyada Waqooyi ayaa laga codsaday inay cadaadis saaraan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.
Gantaalkii ugu danbeeyey ee la tijaabiyey ayaa la sheegay inuu yahay mid qaaradaha isaga goosha oo gaadhi kara dhamaan gobalada uu ka kooban yahay dalka Maraykanka, wuxuuna ahaa gantaalkii ugu sareeyey oo uu illaa iyo hada dalkaasi Sameysto.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergie Lavrov ayaa sheegay inuusan weli fahmin waxa Maraykanka uu ka damacsan yahay cadaadiska uu doodanayo inuu saaro Kuuriyada Waqooyi.
"….Maraykanka ma wuxuu rabaa in Kuuriyada Waqooyi ay carada ka badato oo ay ku kacaan tilaabo halis ah, ma fahmin waxa Maraykanka uu ka damacsan yahay xiisadan uu sii kicinayo….” ayuu yiri Sergie Lavrov oo Khamiistii shalay la hadlayey warbaahinta.
RUUSHKA OO GANAFKA KU DHUFTEY INUU XIDHIIDHKA U JARO DALKA KUURIYADA WAQOOY
RUUSHKA OO GANAFKA KU DHUFTEY INUU XIDHIIDHKA U JARO DALKA KUURIYADA WAQOOY