Dhalyaaro Tahariibayal Oo Somali Ah Ciidamada Libiyaa Ayaa Kala Wareegay Magafayshi Tahriibinayay Iyago Saxaraha Maraaya

0
Friday December 01, 2017 - 15:09:32 in by Burco Office
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalyaaro Tahariibayal Oo Somali Ah Ciidamada Libiyaa Ayaa Kala Wareegay Magafayshi Tahriibinayay Iyago Saxaraha Maraaya

    Dhalyaaro Tahariibayal Oo Somali Ah Ciidamada Libiyaa Ayaa Kala Wareegay Magafayshi Tahriibinayay Iyago Saxaraha Maraaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalyaaro Tahariibayal Oo Somali Ah Ciidamada Libiyaa Ayaa Kala Wareegay Magafayshi Tahriibinayay Iyago Saxaraha Maraaya

Wararka naga soo gaadhaya dalka Liibiya soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakada wararka gebogebonews ayaa sheegaya in dhalinyaro Somali ah oo u badan reer Somaliland oo tahriibayaal ah ay 19 bishan Nofember iyaga oo maraya saxaraha u dhaxeeya Liibiya iyo Suudaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Milateriga Libiya ,kuwaas oo muddo,11 cisho ah la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dhalinyaradan oo ragg magafayaal ahi ka kaxeeyeen Suudaan ayaa la sheegay in ciidamo Milateriga Liibiya ah ay gacanta ku dhigeen,kadib markii ay ku qabteen iyaga oo maraya saxaaraha gaar ahaana dhinaca xuduudka Liibiya.

Shabakada wararka gebogebonews oo Barta Facebook-ga kula xidhiidhay xalay Cabdirisaaq Xuseen Ismaaciil "Gaandaa” oo ah wiil dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalada Burco oo wakhti xaadirkan ku sugan dalka Liibiya ayaa noo sheegay in dhalinyaradan oo tiradoodu ay dhamaayeen 86 dhalinyaro ah una badnaa dhalinyaro kasoo jeeda Somaliland gaar ahaana magaalooyinka Burco Hargeysa iyo Berbera ay 19-kii Bishan dhamaatay ee Noofeember ay ciidamo Milateri ah awood kagala wareegeen magafayaal watay oo ka kaxeeyey Suudaan,kuwaas oo magafayaashii watay dhalinyaradan iyo ciidamadii Milateriga ahaa is rasaasayn dhex martay,intaasi kadib ay awood ciidamadaasi kula wareegeen dhalinyaradan.

Cabdirisaaq Xuuseen Ismaaciil "Gaandaa” waxa uu noo sheegay in 9 kamid ah dhalinyaradaas ay ka baxsadeen ciidamada hadana ay ku sugan yihiin magaalo dhanka Waqooyi ka xigta caasimada Liibiya Tripoli,waxaana uu sidoo kale xusay in dhalinyadaasi inta kale ilaa hadda la la yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Dhalinyaro badan oo Somali ah ayaa si aada ugu dhibaataysan saxaraha Liibiya ,kuwaas oo jidh dil xoogan u gaysteen magafayaasha tahriibiya dhalinyaradda,waxaana baraha bulshada wareegaya maalmihii u danbeeyey dhalinyaro badan oo Somaliland oo muuqaalo laga soo duubay iyaga oo garaacaya isla markaana jidh dil xoogan loo gaysanayo si ay si deg deg ah ehelada dadkaasi usoo bixiyaan lacagta.

 

Dhawaan waxaan idinla wadaagi doona dabagal iyo baadhisna aan ku haynaa magacyada dhalinyaradaasi la la yahay meel ay joogaan,kuwaas oo ay si aada uga walwalayaan ehelada dhalinyaradani.