Dalka Liibiya Oo Ay Ka Bilaabmeen Saylado Lagu Kala Iibsado Dadka Tahriibayaasha Ah Iyo Wiil Ka Waramaya Dhacdooyinkii Uu La Kulmay

0
Friday December 01, 2017 - 17:09:43 in by Burco Office
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Liibiya Oo Ay Ka Bilaabmeen Saylado Lagu Kala Iibsado Dadka Tahriibayaasha Ah Iyo Wiil Ka Waramaya Dhacdooyinkii Uu La Kulmay

    Dalka Liibiya Oo Ay Ka Bilaabmeen Saylado Lagu Kala Iibsado Dadka Tahriibayaasha Ah Iyo Wiil Ka Waramaya Dhacdooyinkii Uu La Kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Liibiya Oo Ay Ka Bilaabmeen Saylado Lagu Kala Iibsado Dadka Tahriibayaasha Ah Iyo Wiil Ka Waramaya Dhacdooyinkii Uu La Kulmay Waxaa isa soo taraya wararka ka hadlaya dad nool oo seylad lagu kala iibsanayo dalka Liibiya, waxayna arrintan dusha sare soo marisay walwalkii laga qabay tahriibka sharci darada ah iyo dhibaatada ka dhalata. Waxaa si dhab ah uga sheekeynaya xaalada ka taagan dalka Liibiya dadkii tahriibka ku maray dalkaasi. Harun Axmed waxa uu ka mid yahay kumanaan muhaajiriin ah oo naftooda ku biimeeyay saxaraha, kadibna gaadhay dalka Liibiya si uu uga talaabo badda, una gaadho Yurub, halkaas oo nolol tii hore dhaanta ka raadsanayo. Waxa uu ka yimid dalka Itoobiya , isaga oo gaadhay dalka Jarmalka kadib muddo badan uu dusha u dhigtay xabsi, jidhdil iyo halis aanan la qiyaasi karin. Waxa uu ka yimid gobolka Bale ee Itoobiya sanadkii 2013-kii, halkaas oo muhaajiriinta inta badan ay ka yimaadaan shaqo la'aanta baahsan ee halkaas ka jirta awgeed. Safarkiisa waxa uu ka bilaabay dalka Sudan halkaas oo uu sanad joogay ka hor intii aanu $600 doolar siinin muqalasiin si ay u geeyaan Liibiya. Lix maalmood ayay ku qaadatay in uu saxaraha ka talaabo, ugu dambeyntiina waxa uu gaadhay xudduuda Liibiya, Masar iyo Chad ay wadaagaan, halkaas oo ah meesha tahriibayaasha ay muqalasiinta ku kala badashaan. Iyaga oo 98 qof ka kooban ayaa la afduubtay, waxaana la geeyay dalka Chad, waxaana madax furasho loogu qabsaday lacag dhan $4,000 qofkiiba. "Waxaan meesha ugu tagnay dad badan oo ka kala yimid Soomaaliya, iyo Eritrea, shan bilood ayaa meesha lagu heystay, dhibaato badan ayaa loo geystay, xitaa uma aysan ekeen dad bini'aadam ah" ayuu yidhi Haaruun. Kadib 3 bilood oo ay meel ku xaraysnaayeen, lacagtiina ay iska bixin kari waayeen, ayaa Haaruun iyo koox kale oo 31 qof ah waxaa loo sheegay in lasii iibin doono maadaamaa ay lacagta iska bixin waayeen. "Labo bilood cunto ma aanan cunin, lafo lafo ayaan noqonay, raggii naloo keenay si ay noo iibsadaan ayaaba diiday in ay na iibsadaan, sababtoo ah waxay dhaheen waa caato aad ah, ma iibsan karno" ayuu yiri Haaruun. Ugu dambeyntii nin ayaa nagu iibsaday min $3000 qofkiiba, wuxuuna ahaa nin ka yimid magaalada Liibiya ku taala ee Saba. Saba waxa ay ku xidhnaayeen muddo bil kale, halkaas oo si xun loogu jir diley, markii dambane eheladooda ayaa lacagtii ka bixiyay. Balse markii ay meeshii ka baxeen ayaa waxaa af duubtay qolo kale oo madax furasho ugu qabsaday lacag dhan kun doolar. Markale ayay waceen eheladooda kadib markii ay u adkeysan waayeen jidh dilka, waxaa loo soo gaday xoolo iyo wax kasta oo la heli karay si meesha looga siidaayo. Haaruun ayaa ugu dambeyntii gaadhay magaalo ku taala waqooyiga Tripoli, halkaas oo ay dadka doonyo uga sii tahriibaan illaa Yurub.
Wuxuu ka mid ahaa kuwa ugu nasiibka badan ee gaadhay dalka Talyaaniga, ka dibna uga sii talaabay Jarmalka, halkaas oo uu qaxooti ku yahay, lana aqbalay codsigiisa magangalyo doonimo. Wuxuu sheegay in xitaa haddii ay booliiska ku qabtaan ay kaasii iibsanayaan muqalasiin kale, kaana siisanayaan $500 doolar. Sanad kasta kumanaan muhaajiriin Afrikaan ah ayaa gala safarada halista badan sida Haaruun oo kale, qaarkood ayaa dhexda ku dhinta, badankoodna waxa ay ku dhintaan badaha, halka inta yar ee gaadha Yurub aysan haysanin damaanad ah in ay helayaan wixii ay halista usoo galeen. "Runtii wax iga maqnaa ma jiraan, aqoon daro ayaa i heysay markaan dalkeyga kasoo tagayay, waxna waan iska baran karay, shaqana waan aadi karay" ayuu yiri Haaruun oo ka shalaynaya wixii qabsaday ee dhib ahaa.