Gabadh Isticmaashay $4.6 Milyan Oo Si Khaldan Loogu Shubey Sanduuqeeda Bangiga

0
Saturday December 02, 2017 - 11:48:03 in by Burco Office
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Isticmaashay $4.6 Milyan Oo Si Khaldan Loogu Shubey Sanduuqeeda Bangiga

    Gabadh Isticmaashay $4.6 Milyan Oo Si Khaldan Loogu Shubey Sanduuqeeda Bangiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh Isticmaashay $4.6 Milyan Oo Si Khaldan Loogu Shubey Sanduuqeeda Bangiga

Dacwad oogayaasha dalka Australia ayaa ka noqday dacwad wax is dabomarin ah oo loo heystay haweenay u dhalatay dalka Malesia oo isticmaashay malaayiin doolar si aan haboonayn.


Gabadhan oo lagu magacaabo Christine Jiaxin Lee, 22 jir ah, ayaa saduuqeeda bangiga loogu shubey lacag dhan $4.6 milyan oo doolar si kama’a ah.

Gabadhan ayaa lacagta inteeda badan ku isticmaashay alaabo qaali ah sida boorsooyin, dahab iyo waxyaabaha kale ee ay dumarka isku qurxiyaan.

Lacagta ayaa waxaa sanduuqeeda ugu shubay bangiga Westpac Bank, booliiskana waxa ay sheegeen in arrintan ay ka dhigantahay wax isdabo marin iyo qiyaano ay gabadha samaysay.

Garyaqaanka Lee ayaa sheegay in ay ku laabatay Malesia, islamarkaasna ay ka nafistay culeeskii badnaa ee kasoo wajahay booliiska.

Qaar badan oo ka mid ah alaabihii ay iibsatay ayaa dib loo celiyay, dibna la xaraashay.

Waxa ay horey ardayad uga ahayd jaamacadda Sydney, iyada oo sanduuqa bangiga furatay sanadkii 2012-kii, kadibna bangiga ayaa ugu soo shubay lacagta qaldan.

Sanadkii 2015-kii ayaa la ogaaday khaladka dhacay.

Inkasta oo gabadha lagu eedeeyay in ay daacadnimo daro muujisay, haddane xaakim dacwadeeda dhagaystay ayaa sheegay in aysan dambi ahayn isticmaalka lacagta.

Bangiga Westpac ayaa sheegay in ma’uuliyadda oo dhan uu isaga qaadanayo, wixii khaladamayna uu saxayo.