Dawladda Mozambique Oo Warshadaha Sonkorta Ee Dalkeeda Ku Daraysa Maadada Fitimiinta

0
Saturday December 02, 2017 - 11:48:03 in by Burco Office
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Mozambique Oo Warshadaha Sonkorta Ee Dalkeeda Ku Daraysa Maadada Fitimiinta

    Dawladda Mozambique Oo Warshadaha Sonkorta Ee Dalkeeda Ku Daraysa Maadada Fitimiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Mozambique Oo Warshadaha Sonkorta Ee Dalkeeda Ku Daraysa Maadada Fitimiinta

Warshadaha sokorta dalka Mozambique ayaa bilaabay in ay maadada fitimiin A ku daraan sokorta ay soo saaraan, taas oo qeyb ka ah mashquuca ‘nafaqaynta cuntada’ ee wasaarrada ganacsiga iyo warshadaha dalkaas.


Maadada fitimiin A ayaa waxaa laga helaa aragga wanaagsan, jir caafimaad qaba iyo waliba koriimada jirka, waxaana inta baddan ay ku jirtaa khudaarta cagaaran, tan jaalaha ah iyo waliba caanaha.

Fitimiinta ayaa lagu darayaa sokorta laga soo saaro afarta warshadood ee sokorta ee ku kala yaala Mafambisse, Morromeu, Maragra iyo Xinavane.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dalkaas Max Tonela ayaa sheegay in nafaqo darada baahsan ee soo foodsaartay dadka dalkaas qaarkood ay taas ugu wacantahay talaabada cusub oo la doonayo in wax looga qabto heerka nafaqada carruurta.

Wuxuu intaas ku daray in sokorta ay tahay sheeyga loogu isticmaalka badanyahay dalkaas, sidaasna la doonayo in qof kasta ay ku gaarto nafaqada.

Mozambiqeu ayaa soo saarta 480,000 tan oo sokor ah sanad kasta, taas oo lagu isticmaalo gudaha, dibeddana loo dhoofiyo.

Laakiin sokorta dhoofka loogu talogalay ayaa lagu darayaa maadama Fitamiinka oo kaliya marka ay soo codsadaan dadka macaamiisha ah ee qaadanaya.