Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhismaha Xukuumadda Cusub Iyo Muj. Maxamed Kaahin Oo La Hadal Hayo In Uu Xil Wasiir Oo Culus Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Isku Qaban Doono

0
Saturday December 02, 2017 - 11:48:03 in by Burco Office
  • Visits: 533
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhismaha Xukuumadda Cusub Iyo Muj. Maxamed Kaahin Oo La Hadal Hayo In Uu Xil Wasiir Oo Culus Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Isku Qaban Doono

    Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhismaha Xukuumadda Cusub Iyo Muj. Maxamed Kaahin Oo La Hadal Hayo In Uu Xil Wasiir Oo Culus Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Isku Qaban Doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhismaha Xukuumadda Cusub Iyo Muj. Maxamed Kaahin Oo La Hadal Hayo In Uu Xil Wasiir Oo Culus Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Isku Qaban Doono

Iyada oo ay maalmihii ugu dambaysay cirka isku sii shareerayso wararka la xidhiidha xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo sidoo kale siyaasiga uu mustaqbalka ku wareejin doono Guddoomiyenimada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE taasoo hadal haynteedu durba suuqyada soo gashay lana hadal hayo in uu Madaxweyne Muuse jagada Guddoomiye ee xisbiga KULMIYE ku wareejin doono Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee wakhtigan Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ah siyaasi ay muddo dheer soo rafiiqeen Madaxweynaha la doortay.

 

Iyada oo maalmihii ugu dambeeyey ay qasriga Madaxtooyada iyo Xafiiska Madaxweynaha la doortay mashquuliyeen codsiyada CV ee lala yaacayo, madax-dhaqameedyada, ganacsatada iyo ragga magaca leh ee ay dabada ka riixayaan kooxo xil doon ahi balse inta badan Madaxweynaha la doortay uu ka gaws-qabsaday aqbalaadda arrimahaasi ayaa waxa isa soo taraya dadka sida weyn loo hadal hayo in ay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ku soo bixi doona.
Badiba dadka loogu hadal haynta badan yahay in Madaxweynuhu soo magacaabi doono ayaa waxa ay u badan yihiin laba kooxood oo kala ah:
1. Xisbiyahanadii xilalka sare ka hayay xisbiga KULMIYE, gaar ahaan garabkii muddoda dheer la soo kifaaxay Madaxweynaha la doortay mudadii dheerayd ee duruufaha badani soo kala mareen xukuumadda iyo xisbigeeda waana xubnaha hadal hayntu ugu badan tahay in ay saami wanaagsan ka heli doonaan dawladda Madaxweynaha cusubi soo dhisi doono
2. Koox labaad oo siyaalo kala duwan xisbiga KULMIYE ula soo halgamay gaar ahaan labadii sano ee ugu dambeeyey, kuwaasi oo u badan siyaasiyiin wakhtiyo dambe xisbiga ku soo biiray, aqoonyahano aan xisbiyo hore soo marin oo taageerada ay Muuse u hayaan keentay in ay xisbiga wakhtiyo dambe ka soo dhex muuqdaan.
Si kastaba ha ahaatee Ilo-wareedyado ka ag dhaw Xisbul Muxaafidka KULMIYE oo Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in siyaasiga ugu dhaw in uu noqon doona masuulka xisbiga KULMIYE lagu wareejiyaa uu noqon doono Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo wakhtigan ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE halka sidoo kale la hadal hayo in uu heli doono xil wasiirnimo balse aan la ogayn wakhtiga uu Madaxweynaha cusubi xilka Guddoomiyaha xisbiga wareejin doono wallow ay isa soo tarayaan aragtiyo xisbiga gudihiisa ka imanaya oo ku talinaya in Madaxweynaha cusubi aanu in muddo ah wareejin xilka guddoomiyaha xisbiga si ay xisbiga iyo xukuumadda ka dhalataa isku sii haystaan balse dhinaca kale ay jiraan doodo taasi ka soo horjeeda oo ku talinaya in Madaxweynaha cusubi maro raadkii Madaxweynaha xilka uga horreeyey oo isaga (Madaxweynaha La Doortay) xilka ku wareejiyey muddo kooban kadib markii loo dhaariyey xilka Madaxweyne.
Maxamed Kaahin Axmed oo ah Kornayl ku xeel dheer ciidamada iyo gaashaan-dhigga ayaa si weyn loo hadal hayaa in uu sidoo kale ku guulaysan doono xil culus oo wasiirnimo oo waliba ka mid ah Wasaaradaha miisaanka weyn leh haddii ay sidaa u dhacdana waxa ay noqon doontaa mid saamayn weyn ku yeelata xisbiga KULMIYE dhexdiisa maadaama ay jiraan rag dhawr ah oo tartan ugu jira in ay noqdaan Guddoomiyaha xisbiga Muuse Dabadii.
Madaxweynaha la doortay ayaa culays weyni ka haystaa dhismaha xukuumaddiisa oo ay kooxo fara badan oo kala duwani dhufayska ugu jiraan ka mid noqoshadeeda iyada oo ay xaqiiqo noqon doonto in ciddii aan xilalkaasi ku soo bixin ay mucaaradad adag kala hor iman doonaan Madaxweynaha.