Madaxweynaha Soomaaliya Oo Fadeexadii Ugu Cuslayd Kala Kulmay Caleemo Saarkii Uhuru Kenyatta Iyo Meeqaamkii Liitay Ee Loo Qaabilay

0
Saturday December 02, 2017 - 11:48:03 in by Burco Office
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Fadeexadii Ugu Cuslayd Kala Kulmay Caleemo Saarkii Uhuru Kenyatta Iyo Meeqaamkii Liitay Ee Loo Qaabilay

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Fadeexadii Ugu Cuslayd Kala Kulmay Caleemo Saarkii Uhuru Kenyatta Iyo Meeqaamkii Liitay Ee Loo Qaabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Fadeexadii Ugu Cuslayd Kala Kulmay Caleemo Saarkii Uhuru Kenyatta Iyo Meeqaamkii Liitay Ee Loo Qaabilay

Warbixin dhiilo leh oo laga diyaariyay Qaabkii loo soo dhaweeyay Madaxweynaha Dawlada Xamar Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasibadii lagu Caleemo saarayay Madaxweynaha doorashada ku guulaystay ee Uhuru Kenyatta ee dalka kenaya ayaa lagu sheegay middii ugu liitay ee nin Madaxweyne sheeganaya lagu qaabilo oo madal madaxda addduunka iyo kuwa Afrika oo badani isugu timid. Warbixinno maalmihii ugu dambeeyey warbaahinta Muqdisho si weyn wax uga qoreen ayaa tilmaamay qaabkii liidnimada ahaa ee ninkaasi loogu bah-dilay Magaalada Nairibi oo ay ka dhacaysay munaasabaddii caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta.


Warbixintan ayaa waxa lagu yidhi: Safaradda noocaan ah, madaxda waxaa si toos ah u casuuma madaxweynaha la doortay. Waxaa loo diyaariyaa soo dhaweyn madaxweyne, laakin Farmaajo waxa garoonka ku qaabilay, wasiiro ayaa soo dhaweeyay madaxdii timid. Gaar ahaan Sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Kenya danjire Aamina Maxamed oo Soomaali ah iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweyne Farmaajo ku qaabilay garoonka Diyaaradaha, waxaana loo galbiyay Hoteelkiisa.
Maalintii xigtay ayaa sida warbixintan lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo ku biiray dhowr iyo toban madaxweyne iyo madax xukuumadeed oo lagu casuumay xafladda dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa. Arrinta layaabka lahayd waxay ahayd in Mar labaad, gudaha garoonka ciyaaraha ee Kasarani ay ku soo dhaweysay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Kenya Danjire Aamina Maxamed iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaraddeeda. Kaligiis ma ahayne, madaxda kale oo dhan ayay u taagnaayeen goobta si ay u soo dhaweeyaan, uguna galbiyaan goobta loogu talo galay in ay fadhiistaan.
Sida Baraha bulshada lagu baahiyay Waxaa muuqatay inaan Madaxweynaha maamulka Muqdisho ee Farmaajo loo soo dhaweeyn sida madaxda kale ee Africanka loogu maamuusay Munaasibadaasi,iyadoo si toos ah loo wada daalacday iyadoo laga leexiyay rooggii casaanka ahaa ee ay madaxda kale ku soconayeen kaasi oo isaga laga leexiyey oo meel kale la mariyey. Waxaa lagu tilmaamay arrintaas Sharaf daro iyo Xurmo daro tii ugu liidatay ee uu Kenya kala kulmo Madaxweyne Soomaaliya hogaanka u soo qabtay, waxaana la arkayay iyadoo si toos ah loo mariyay Meel raf ah oo fajiciso ku dhalisay cid kasta oo daalacatay Muuqaalka ama sawirada laga oo soo duubay madaxweyne Farmaajo oo lugaynaya Meel aan haboonnayn oo bahdilaad loo maleeyay in loola jeedayay.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isku dayday inay beeniso warkaasi la wada daalacday ee bulshadu ka dheragtay meeqaam darada liidata ee Farmaajo loogu soo dhaweeyay Kenya,waxaanay boggeeda ku baahisay roog gaduudan uu lahaa jidka loo leexiyay madaxweyne Farmaajo si uu uga koro jaranjarada kuraasta loo diyaariyay.
War bixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay inaanu madaxweyne Farmaajo waxa kulan ah la qaaday islamarkaana aanay isba aragba Madaxdii Munaasibaasi kala qayb gashay,iyadoo ay lagu sheegay inaanu safarkaasi qorshaha ugu jirin inuu kulamo la qaato madaxdii ka soo qeyb gashay caleema-saarka, sidaa darteed, marka laga reebo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu madaxweyne Farmaajo ku salaamay meel uu fadhiyay oo uu ku maray, ma jirin madax kale oo uu la shiray ama shir gaar ah oo aan xafladda caleema-saarka ahayn oo uu ka qeyb galay.