Maayar Ku Suntanaan Doona Taariikhda Gabiley

0
Wednesday February 26, 2014 - 00:44:06 in by Super Admin
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Ku Suntanaan Doona Taariikhda Gabiley

    Waa Maayarkii ugu da'da yaraa ee soo mara degmadda Gabiley mudadda ay Somaliland jirtay, waxa uu noqday maayarkii ugu waxqabadka badnaa ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Maayarkii ugu da'da yaraa ee soo mara degmadda Gabiley mudadda ay Somaliland jirtay, waxa uu noqday maayarkii ugu waxqabadka badnaa ee

Waa Maayarkii ugu da’da yaraa ee soo mara degmadda Gabiley mudadda ay Somaliland jirtay, waxa uu noqday maayarkii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara degmadda, waa masuul ku sifoobay karti iyo daacadnimo inuu bulshadda ugu adeego.

Maayarka Degmadda Gabiley Md. Shucayb Maxamed Muuse oo isagu xilka hayay muddo ku siman sanad iyo dhawr bilood ah ayaa haddana waxaa u suurtogalay inuu waxyaabo badan oo horumar ah ka hirgaliyo gudaha magaalada Gabiley, degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda. Sidoo kale waxa uu wax ka qabtay bilicda magaalada, isaga oo waddooyin cusub oo laami ah oo uu gudaha magaalada Gabiley ka hireliyay, isla markaana ay qaar ka mid ahi dhamaadeen halka kuwo kalena ay weli socdaan.

dhinaca arrimaha bulshada ayaa ka mid ah meelaha uu maayarka degmadda Gabiley si weyn wax uga qabtay kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Jaamacadda Gabiley oo ay dawlada hoose gacan ka geysatay, dugsiyadda waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo dhismeyaal cusub sida guriga martida Gabiley oo muddo badan qabyo ahaa oo uu dhamaystiray.

Mashaariicda kale ee dhinaca horumarinta ee uu gudaha magaalada Gabiley ka sameeyay waxaa ka mid ah sariibado cusub oo uu ka hirgeliyay suuqyadda magaalada, gaar ahaana suuqa sare oo dumarka ku ganacsadaan ay dayac iyo dhibaato weyn ku qabeen iyada oo ay dhulka fadhiisan jiray, isla markaana qoraxda, dabaysha iyo roobku ay ku haysteen.

 

 

MaayarkaGabiley ayaa u muuqda toosh iftiimiyay guud ahaan gobolka Gabiley iyo deegaamadda hoos yimaada waana masuul ku dayasho mudan, waxaanan ku tilmaami karnaa in uu yahay maayrkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara degmada Gabiley.Waa masuul u guntaday waxqabad, iyo in uu ka dhabeeyo qodobka saldhiga u ah xukuumadda KULMIYE oo ah horumar iyo waxqabad, waa maayar ku sifoobay inuu garto waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu si daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeego guud ahaanba bulshada.waa masuul ku suntanaan doona taariikhda Gabiley, waxanan odhan karnaa waa maayar ka mudhay maayarada dhigiisa ah ee guud ahaanba degmooyinka dalka, waana maayar ku dayasho mudan.

 

 

Magaalooyinka kale ee hoos yimaadda Gobolka Gabiley ee uu maayarku waxqabadka muuqda ka fuliyay waxaynu ka soo qaadan karnaa magaalada Kala-baydh oo iyadu ahayd meelaha aanay dhamaanba maayaradii hore ee soo maray Gabiey waxba qaban, iyada oo markii u horaysay Kala-baydh yeelatay saldhig boolis iyo cusbitaal dhawaan laga bilaabi doono, isaga oo sidoo kale ka hirgeliyay wadooyin iyo bilicda gudaha magaalada oo uu wax ka qabtay iyo sidoo kale dugsiga sare ee Kala-baydh oo ay gacan taageero ka gaysto Dawladda Hoose.

 

 

waxaa kale oo iyagna ka mid ah Magaalooyinka kale uu duqa Gabiley mashaariicda horumarka ah ka hirgeliyay waxaa ka mid ah Wajaale oo wadooyinka dhexmara laga dhigay kuwo laami ah, sidoo kale dhinaca arrimaha bulshadda sida caafimaadkeeda, biyaha iyo waxbarashadda. sidoo kale wadadda u dhaxaysa Kala-baydh iyo Wajaale oo ay dawlada hoose ee Gabiley ka qaybqaadatay dhismaheeda, magaalooyinka kale ee uu wax ka qabtay waxaa ka mid ah Allaybaday, Arabsiyo iyo kuwo kale oo badan.

 

 

dhinaca maamul daadejinta waxa uu ka dhex abuuray golaha deegaanka degmadda Gabiley haykal wada shaqayneed iyo kala dambayn iyo in ay u midoobaan meelna uga soo wada jeedsadaan waxqabad iyo horumar, iyada oo la wada ogaa in goleyaashii deegaanka Gabiley ee hore ay ku caanbaxeen muran, is-qab-qabsi iyo khilaaf mar walba ka dhex taagnaa.

 

Waxaana uu meesha ka saaray hab dhaqankii iyo nidaamkii golihii deegaanka ee hore oo lagu tilmaami jiray, kuwo is-qabsadda oo mar walba iyagu dhexdooda is-haysta, kana mashquulay wixii ay ka sugaysay bulshaddii soo dooratay, waxaanu ka dhex abuuray xildhibaanadda uu gudoomiyaha u yahay jawi deganaansho iyo wada shaqayn ah.

 

 

Sidoo kale bulshadda ku dhaqan guud ahaanba magaalooyinka iyo tuulooyinka kala duwan ee hoos yimaada gobolka Gabiley, kuwaasi oo si weyn ugu riyaaqay waxqabadkiisa. Iyada oo ay si buuxda u soo dhaweeyay sida daacadnimadda leh, hagar la’aanta iyo masuuliyada ah ee uu ugu heelanyahay inuu bulshadiisa.

 

 

isku soo wada duuboo Duqa degmada Gabiley ayaa noqday masuul hormood u ah isla markaana kaalin weyn oo aad u muhiim ah kaga jira waxqabadka kala duwan ee ay xukuumadda Madxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka hirgelisay guud ahaan dalka gaar ahaana gobolka Gabiley.

 

 

Dhanka kale Waa wax iska caadi oo inta badan dhacda in marka qof masuul ah uu waxqabad iyo horumar, karti, firfircooni iyo shaqo wanaag la uyimaado in qaybo ka mid ah dadka uu masuulka u yahay ay kala horyimaadaan ama kula kacaan tallaabooyin ay ku waxyeelaynayaan waxqabadkiisa, isla markaana ay indhaha bulshada caafimaadka qabta kaga qariyaan wanaaga iyo horumarka uu masuulkaasi sameeyay.

 

 

Waxaana quruxbadnaan lahayd in xubnaha odayaal ku sheega ah ee mar walba soo abaabulaya dhalinyarada iyo ardayda ee hadalada hagardaamada, hadimadda, cayda, canbaaraynta iyo dhaleecaynta ah la soo taagan warbaahinta inay ka daayaan Maayarka Gabiley, isla markaana ay dhinac wanaagsan wax ka eegaan.

By Weriye Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa Somaliland

E-mail: khadarmuuse94@gmail.com