Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Mar Kale Dhexdooda Ka Curtay Khilaaf Banaanka Usoo Baxay Iyo Halka Uu Ka Kacay Khilaadkoodu.

0
Saturday December 02, 2017 - 14:02:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Mar Kale Dhexdooda Ka Curtay Khilaaf Banaanka Usoo Baxay Iyo Halka Uu Ka Kacay Khilaadkoodu.

    Dalka Somaliland Isaga Oo Ku Jira Marxalad Kale Guur Oo Dalka Ay La Kale Wareegayaan Madaxwaynihii Hore Iyo Madaxwaynaha Cusub Ee Shacabku Doorteen Ayaa Waxa Soo Ifbaxday Maalmihii Udanbeeyay,Khilaaf Cusub Oo Ka Dhex Curtay Golaha Deegaanka Degmada B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Somaliland Isaga Oo Ku Jira Marxalad Kale Guur Oo Dalka Ay La Kale Wareegayaan Madaxwaynihii Hore Iyo Madaxwaynaha Cusub Ee Shacabku Doorteen Ayaa Waxa Soo Ifbaxday Maalmihii Udanbeeyay,Khilaaf Cusub Oo Ka Dhex Curtay Golaha Deegaanka Degmada Burco.


Khilaafkan Oo Yimid Ka Dib Markii Qaar Ka Mida Golaha Deegaanka Degmada Burco Ay Warbaahinta Dhawaaq U Mariyeen,Shacabka Burco Oo Ku Saabsanaa In Gudida Fulinta Dawlada Hoose Ee U Hogaaminayo Maayir Muraad Ay Iibsadeen,Hantidi Umada Isla Markaana Ay Ibiyeen Wadooyin Halbawle U Ah Xafadaha Qarkood.

Xildhibaano Ay Ka Mid Ahayeen ,Cabdi Laki,Kayse Axmed Raage,Shiine Faliidh,Nuux Maxamed Xuseen Iyo Xubno Ka Mida Shacabka Degan Xaafada Jaaliyada Burco Ayaa Warbaahinta Horyimid Ayaa Ku Eedayay Gudida Fulinta Dawlada Hoose Ay Ibiyeen Wado Halbawle Ah Oo Tagta Xaafada Jaaliyada,Taasi Oo Ay Ku Eedeyeen Inay Ka Ibiyeen Mid Ka Mida Ganacsatada Dalka Ugu Waawayn.

Xildhibadan Ayaa Carabka Ku Dhuftay In Gudida Fulinta Dawlada Hoose Ay Ka Faa,idaysanayaan Xiliga Kale Guurka ,Baaqna U Diray Madaxwaynaha Cusub Iyo Hanti Dhawraha Qaranka Oo Ay Cod Dheer Ku Shegeen In U Soo Gaadho Magalada Burco.



Dhawaaqan Ka Soo Yeedhay Xildhibnada Ayaa Aad U Xulay,Dhegaha Shacabka Burco Oo Goobaha Lagu Kulmo Ku Falanqeeyay,Iyaga Oo Sheegay In U Bahantahay In Shacabku Ay Ka Biyo Dideenyihiin In La Xarasho Dhulka Danta Guud, Kuna Tilmaamay In Kuwii Horeba Ee La Iibiyay Aan Waxba Lagu Qaban Dalka Oo Jeebadda Shakhsiyaad Gaar Ah Ay Gashay .

Hadaba Duqa Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad ,Xubno Ka Mida Gudida Fulinta Iyo Xildhibaanaba Ayaa Iyaguna Maanta Shir Jaraa,id Ku Qabtay Magalada Burco Ayaa Meesha Ka Saaray Inay Ibiyeen Dhun Hantida Guud Iyo Wadada Ay Xildhibanada Hore Ku Eedeyeen.


Maayirka Iyo Xildhibanadan Ayaa Cod Dheer Shacabkii Ay Xushay Hadalka Hore Ee Xildhibanada U Sheegay Inay Ahayd Been Abuur,Aan Sal Iyo Ratoona Lahayn,Sidoo Kalena Sheegay Inay Ka Xunyihiin In Xildhibaano Ka Mida Ay Warbaahinta Ah U Shegeen Shacabka Burco Iyo Dadwaynaha Somaliland.

Si Kastaba Ahaaye Khilaafkan Cusub Ee Mar Kale Ka Curtay Golaha Deegaanka Degmada Burco Iyada Oo Lagu Jiro Xili Wadanku Galay Kale Guur , Oo Dalka Ay La Wareegayaan Madaxwayne Cusub Iyo Ku XIgeenkiisa Isla Markaana Loo Soo Dhisi Doono Xukumad Cusub Ayaa Shacabka Burco Ku Noqotay Fajac Iyo Amakaak.

Madaxwaynaha Cusub Iyo Hanti Dhawraha Guud Ayaa Laga War Sugayaa Talabada Ay Ku Wajayaan Iibinta Dhulka Danta Guud Iyo Eedaymaan Ay Is Waydaarsadeen Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Mudadii Ay Jogeen Khilaafkoodu Ka Batay Dhaga Shacabkii Soo Doortay.