Madaxwayne Trump Flynn tillaabadii uu qaaday waxay ahayd mid sharci ah'

0
Sunday December 03, 2017 - 10:59:42 in by Burco Office
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Trump Flynn tillaabadii uu qaaday waxay ahayd mid sharci ah'

    Madaxwayne Trump Flynn tillaabadii uu qaaday waxay ahayd mid sharci ah'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwayne Trump Flynn tillaabadii uu qaaday waxay ahayd mid sharci ah'

Qaar ka mid ah khubarada sharci yaqanada ayaa sheegay in hadalka madaxwayne Trump uu u muuqdo in uu ogaa in la taliyihiisa uu marin habaabiyay baarayaasha.

Madaxwayne Trump ayaa ku adkaystay in ficilka uu sameeyay la tiliyihiisii hore uu yahay mid sharci ah.

Wariyaha BBC ee Washinton ayaa sheegaya in qoraalkan uu bartiisa Tweeter-ka soo dhigay madaxwayne Trump ay ku keeni doonto madax xanuun badan.

Mr Trump ayaa u muuqday in uu qiray in uu ogaa in Michael Flynn,uu been u sheegy FBI ka hor inta uusan shaqada ka cayrin.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraalka uu soo dhigay bartiisa Tweeterka ku sheegay in aysan jirin wax la qarinayo.

Sharci yaqaanada ayaa sheegaya in Mr Trump haddii uu ogaa in Mr Flynn uu been u sheegay FBI markii uu cadaadiska ku saaryay agaasimaha FBI in la tuuro baaritaanada ka dhanka ahaa la taliyihiisa in taasi ay noqonayso mid u dhiganta in uu madaxwaynaha isku dayay in uu cadaalada hor istaago.

Jimcihii ayay ahayd markii , Michael Flynn uu noqday sargaalkii ugu horreeyay ee horrey uga tirsanaa maamulka Trump oo qirta in uu ka been sheegay xiriirkii uu la sameeyay Ruushka.

Dhanka kale telefishinka, ABC, ayaa shaqada ka joojiyay wariyahii TV-ga u qaabilsan baaritaanada, Brian Ross,.

Shaq ka joojintiisa ayaa ka dambeeysay ka dib markii uu ku waramay in arrinta Michael Flynn ay sababtay in si kooban uu hoos u dhac ugu yimid qiimaha doolarka suuqyada dalkaasi.