Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Dibaddiisa Iyo Ujeedada Socdaalkiisa.

0
Sunday December 03, 2017 - 10:59:42 in by Burco Office
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Dibaddiisa Iyo Ujeedada Socdaalkiisa.

    Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Dibaddiisa Iyo Ujeedada Socdaalkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Oo Safar Ugu Baxay Dalka Dibaddiisa Iyo Ujeedada Socdaalkiisa.

Murrashaxii xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa tan iyo intii lagu dhawaaqay natiijadii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13-kii Bishii Nofeember ee dhamaatay kadib waxa uu safar ugu baxay magaalada Nayroobi ee caasimada dalka Kenya.


Murrashaxx Cabdiraxmaan Cirro ayaa baxay Doraad,ujeedada socdaalkiisana wax war ah kamay soo saarin xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,balse xogoha aan helayno ayaa tibaaxaya in safarka Murrashax Cirro uu yahay mid Shakhsi ah isla markaana ay ku waheliyaan qoyskiisu.

Murrashax Cirro ayaan warbaahinta la hadal,waxaana warbaahinta ugu danbaysay habeenkii uu shaaciyay in uu danta Qaranka ee guud uu u aqbaly natiijadii doorashada oo uu sheegay in ay ahayd mid madmadow badan uu ku jiray.