Waaqaca Maanta+ Walbahaarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shaxda Jaro-oodantii Jeegaanta.

0
Sunday December 03, 2017 - 10:59:42 in by Burco Office
  • Visits: 878
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waaqaca Maanta+ Walbahaarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shaxda Jaro-oodantii Jeegaanta.

    Waaqaca Maanta+ Walbahaarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shaxda Jaro-oodantii Jeegaanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaqaca Maanta+ Walbahaarka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Shaxda Jaro-oodantii Jeegaanta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dhowaan la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, Toban cisho kaddib waxa uu la wareegi doonaa tallada dal shacabkiisu ku kala qaybsan yahay Siyaasadda, cunfi iyo naxlina isu galay, sidoo kalena nidaamka dawliga ah ee dalka ku kala tamar iyo taagba roon.


Waxa kaloo, diiftii doorashada ka xanuun badan oo Madaxweynaha sugaya sixir-baraar xadhkaha goostay, dekenooyin ku qotoma aano qabiil, hoos-u-dhac lexaad-leh oo ku hab-sadday dhaqaalihii dalka, kaasoo Xukuumadda tallada haysay Deyn xad-dhaaf ah gacmaha u geliyey. Intaa marka laga yimaado Madaxweynaha cusub Muuse Biixi miiska hortiisa, waxa isu barbar yaal oo waajibku ah inuu mid ahaan doorto, kuwasoo kala ah Fayl ay ku dhan yihiin mushkiladaha aynu soo sheegnay iyo midka labaad oo ah Fayl ay ku dhan yihiin wax wada-lahaanshihii iyo heshiisyadii lagu galay isbahaysiga Jeegaanta.
Hadaba, intaa aynaan u gelin qiimeynta labadan dariiq midka Madaxweyne Muuse qaadi doono, waxa xusid mudan in golaha Xukuumadda cusub ee la filayo inuu soo dhiso Madaxweynuhu ay ka marag kici doonto labada dariiq kolba kii uu qaatay ee isaggu Siyaasaddiisa uu door-biday. Tusaale ahaan hadii golaha Xukuumada cusub uu kusoo daaro Wasiiro kamid ah xukuumadda xilka ka degeysa, waxay tallaabadaasi noqon doontaa mid keenta rajo-la’aan, isla markaana waayi-doono kalsoonidii shacabku ka qabay kolkii hore, sidoo kale, xubnaha Xukuumadda cusub, hadii ay noqdaan kuwo ka kooban xubno isaggu jira wajiyo ku cusub bulshada dhex-deeda iyo qurba jog, tallaabada lafteedu ma noqon doonto mid bulshada raali-gelisa, isla markaana noqotaa mid tusaale fiican ka bixisa Madaxweynaha cusub.
Docda kale, arrinka u weyn ee cid waliba wadnaha farta ugu haysaa, waxa uu yahay, hadii golaha Xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doonaa uu noqdo mid ku dhisan 5.5 ee saami-qaybsiga Jeegaanta, isla markaana xilalka wasaaraddaha shilis uu u magacaabo xubno kasoo kala jeeda labada deegaan ee Jeegaanta la baxay, sidii dhacday mudadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo tallada dalka hayey ee wasaaraddaha shil-shilis oo dhan ay ahaayeen kuwo ku ekaa gacanta isbahaysiga, waxa hubaal ah inay adkaan doonto Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, in xukunkiisu dalka ka shaqeeyo, sidoo kalena uu waxka qabto mushkiladaha daraf ilaa daraf dalka aaffeeyey ee aynu kor kusoo xusnay, taasina hadii ay dhacdo iska daa waxay u tarto Madaxweynaha cusub, waxa marag-ma doon ah inuu meesha ka bixi doono haykalka dawladnimo ee anu jirin nabad-gelyo waxan ahayn oo shacabka ku haysto.
Haddaba, Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi, maxaa la gudboon, maxaa’se looga baahan yahay inuu la yimaado?. Isweydiintan jawaabteedu waxay ku idishay, madaxweynaha cusub inuu bulshada tuso tallaabooyin markhaati u noqda hal-ku-dhigyadii wacnaa ee u Kaambeynka ku galay, kuna siffeeynayey shaqsiyadiisa Nin go’aan leh, isla markaana hayin u ah sareeynta sharciga iyo cadaaladda, sidaas daraadeedna isaggoon shaqsi iyo qoystoona raali-gelinayn kusoo dhisa Xukuumad kooban, kana turjumaysa waxbqabad, isla markaana aan cidina gaar u sheegan Karin.

Xigasho: Yool