Sadex Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Sevilla Ee Ka Dhici Doona Garoonka Santiago Bernabeu

0
Sunday December 03, 2017 - 14:40:13 in by Burco Office
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Sevilla Ee Ka Dhici Doona Garoonka Santiago Bernabeu

    Sadex Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Sevilla Ee Ka Dhici Doona Garoonka Santiago Bernabeu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadex Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Muhiimsan Real Madrid Oo Seegaya Kulanka Sevilla Ee Ka Dhici Doona Garoonka Santiago Bernabeu

Real Madrid ayaa ku guuldareysatay iney guul ka gaarto Athletico Bilbao kulankii xalay ka dhacay garoonka San Mames mana ka faa’ideysan hakadkii ku yimid Barcelona markii ay 2-2 la galeen Celta Vigo kulan soo galay waqti ka horeeya.

Los Blancos kaliya dhibic kama soo qaadan San Mames, balse waxey kasoo dhaxleen dhibaato hor leh madama sadex ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan ay ganaaxyo ku seegi doonaan kulanka weyn ee Sevilla ay kusoo dhaweyn doonaan gurigooda Santiago Bernabeu.

Sergio Ramos, Casemiro iyo Dani Carvajal ayaa seegi doona kulanka Sevilla kuwaas oo xaalado kala duwan ku seegaya kulankaan, inkastoo dhinac marka laga eego ay muhiim u tahay madama ay diyaar wada noqon doonaan kulanka Barcelona.

Casemiro & Dani Carvajal ayaa ku seegaya kulankaan min shan jaale madama ay jaalayaal qaateen kulankii xalayto ee San Mames.

Casemiro ayaa gudoomay kaarkiisa jaalaha ee shanaad daqiiqadii 72-aad markii uu kubad joog sare ah kula dagaalamayAduriz, balse inuu kaarka gudoomo waxaa keenay markii uu ka gadooday go’aanka garsooreMateu Lahoz.