Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Ka Hadlay Hadii Uu Cadaalad Ahaa Casaankii Ramos & Inaan CR7 Loo Ogolaan Kubad Qalad Lagu Galay Modric.

0
Sunday December 03, 2017 - 14:43:08 in by Burco Office
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Ka Hadlay Hadii Uu Cadaalad Ahaa Casaankii Ramos & Inaan CR7 Loo Ogolaan Kubad Qalad Lagu Galay Modric.

    Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Ka Hadlay Hadii Uu Cadaalad Ahaa Casaankii Ramos & Inaan CR7 Loo Ogolaan Kubad Qalad Lagu Galay Modric.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garsoorahii Hore La Liga Andujar Oliver Oo Ka Hadlay Hadii Uu Cadaalad Ahaa Casaankii Ramos & Inaan CR7 Loo Ogolaan Kubad Qalad Lagu Galay Modric.

Intii ay socotay ciyaartii Athletic Bilbao & Real Madrid waxaa dhacay dhawr arimood, balse laba arin ayaa muran laga keenay waa casaankii la siiyay Ramos iyo inaan Cristiano Ronaldo loo ogolaan kubad uu helay daqiiqadii 56-aad markaas oo qalad lagu galay Luka Modric.

Garsoorahii hore horyaalka La Liga Andujar Oliver ayaa ka hadlay labada dhacdo ee muranka badan dhalisay, wuxuuna qiray in labada go’aan ay ahaayeen kuwa sax ah oo uu si fiican u haleelay garsooreMateu Lahoz.

"Ma aheyn wax uu ka faa’iidi karay Ronaldo sababtoo ah Offside ayuu ku jiray markuu Modric kubadda u baasay” ayuu yiri Oliver oo go’aan saxan ku tilmaamay in qaladkii lagu galay Modric la siiyo Real Madrid isla markaana aan loo ogolaan CR7 inuu horay usii socdo.

Dhinaca kale Sergio Ramos ayaa xalay qaatay casaankiisii 19-aad ee La Liga, waana xiddiga ugu badan ee sidaas sameeyay, daqiiqadii 87-aad ayuuna qalad ka galayAritz Aduriz.

Andujar Oliver wuxuu qabaa in garsooraha uu qaatay go’aan cadaalad ah isla markaana Ramos uu suxul ku dhuftayAritz Aduriz.