Kacdoon Wasiiro Lagu Diidanyahay Oo Ka Dhacay Wadanka Zimbabwe Iyo Madaxwaynaha Oo Xilkii Kale Noqday Wasiirada Cusub

0
Sunday December 03, 2017 - 15:26:54 in by Burco Office
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kacdoon Wasiiro Lagu Diidanyahay Oo Ka Dhacay Wadanka Zimbabwe Iyo Madaxwaynaha Oo Xilkii Kale Noqday Wasiirada Cusub

    Zimbabwe:-(afkashacabka) Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa badalay labo wasiir oo ka tirsan golaha cusub ee dhowaanta uu soo magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zimbabwe:-(afkashacabka) Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa badalay labo wasiir oo ka tirsan golaha cusub ee dhowaanta uu soo magacaabay.

Dhowr maalmood ayaa laga joogaa markii Mnangagwa uu ku dhawaaqay gole wasiiro ah oo badali doona kuwii hore.

Balse waxaa dhaleecayn loogu soo jeediyay in gollahan cusub ay ku jirraan saraakiil meleteri iyo wajiyo hore oo siyaasada aan ku cusbayn.

Waxaana hadda la badalay labo wasiir iyadoo aanba xitaa la dhaarinin. Lazarus Dokora oo waxbarashadda loo magacaabay ayaa ka mid ah.

Waxaa sidoo kale jirra culays xaga dastuurka ah oo oranaya in la xadido tirada gollaha wasiirada aanan xilibaanada ahayn.

Mnangagwa waxa uu xilka kalawareegay madaxweynihii hore ee Zimbabwe ee xukunka hayay ku dhowaad afartanka sano.

Zimbabwe waxaa mudaba la harray dhaqaale xumo iyo cadaadis uu keenay xukunkii Robert Mugabi oo dhaleecayn badana caalamka kala kulmayay