Wadanka Jordan Oo Ugu Baaqay Maraykan In Magalada Qudis U Aqoonsanin Caasimada Israa'iil Iyo Caqabada Labada Wadan Oo Xumanaya.

0
Monday December 04, 2017 - 07:12:42 in by salman abdi
  • Visits: 800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Jordan Oo Ugu Baaqay Maraykan In Magalada Qudis U Aqoonsanin Caasimada Israa'iil Iyo Caqabada Labada Wadan Oo Xumanaya.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil.


Ayman Safadi ayaa sheegay in uu wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson u sheegay in ku dhawaaqidda arrintaas ay keensan doonto caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka.

Waxaa la isla dhexmarayaa in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono wakhti dhaw, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol'olaha doorashada.

Jared Kushner oo uu sodddog u yahay Trump ayaa sheegay in aysan jirin go'aan noocaas ah oo wali la qaatay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Safadi ayaa Twitterka ku soo qoray: "Waxaan kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Tillerson cawaaqibka xun ee ka dhallan doona in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israa'iil. Go'aankaasina uu keeni doono caro ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka oo dhan, taas oo sii hurin doonta xiisadda, carqaladayn doontana dadaallada nabadda".

Ma jirto jawaab cad oo ay arrintan ka bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Trump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono QudusLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTrump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono Qudus

Ra'iisulwasaaraha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa isku dayaya in uu raadiyo taageero caalami ah si uusan madaxweyne Trump ugu dhawaaqin arrintaas.

Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu Axaddii wacay hogaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu doonayay "in uu faahfaahiyo halista go'aankaste oo safaaradda Maraykanka loogu wareejinayo Qudus ama lagu aqoonsanayo in ay tahay caasimadda Israa'iil", ayuu yiri lataliyaha Cabbaas Majdi al-Khalidi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Hogaamiyaha Falastiin ayaa horay uga digay in arrintaas oo lagu dhaqaaqo ay halis galinayso xalkii la raadinayay ee labada dal ahaa.

Israa'iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa'iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go'aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.

Intii sannadkii hore lagu guda jiray ol'olihii doorashada Trump wuxuu muujiyay in uu aad u taageersan yahay Israa'iil wuxuuna ballan qaaday in uu amri doono in safaaraddooda loo raro magaalada Qudus oo laga wareejiyo Tel Aviv, uuna arrintaas samayn doono maalinta koobaad ee uu xafiiska la wareego.

Go'aankaas ayuuse dib u dhigay tan iyo markii uu xilka qabatay, laakiin waxaa cirka isku shareeray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in laga yaabo in uu ku dhawaaqo arrintaas Arbacada.

Jared Kushner ayaa khudbad ka jeediyay shirka Saban Forum ee magaalada Washington DCLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionJared Kushner ayaa khudbad ka jeediyay shirka Saban Forum ee magaalada Washington DC

Kushner oo la taliye muhiim ah u ah Trump oo Axaddii hadal ka jeediyay xarun cilmi baaris ayaa diiday in uu arrintaas wax ka dhoho wuxuuna sheegay in ay madaxweynaha u taallo waxa uu ka yeelayo arrintan uuna shaacin doono wakhtiga ku haboon.

"Madaxweynuhu go'aan ayuu ka qaadan doonaa arrintan waliba wuxuu ka eegayaa xaqiiqooyin kala duwan.

Markii uu go'aankaas gaarana, isaga ayuu noqon doonaa qofka doonaya in uu idinkala hadlo, anigana ma aha." Ayuu yiri.