Ra'iisul Wasarihii Ee Hore Ee Wadanka Masar Oo Beeniyay In La Afduubay Iyo Hada Halka U Ku Suganyahay.

0
Monday December 04, 2017 - 07:23:34 in by salman abdi
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasarihii Ee Hore Ee Wadanka Masar Oo Beeniyay In La Afduubay Iyo Hada Halka U Ku Suganyahay.

    Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Masar Axmed Shafiq ayaa sheegay inuu nabad qabo oo aanan la afduubin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Masar Axmed Shafiq ayaa sheegay inuu nabad qabo oo aanan la afduubin.


Qoyskan Axmed Shafiq ayaa walwal ka muujiyay noloshiisa ka dib markii wadanka Imaaraadka laga masaafuriyay.

Masaafurintan ayaa imanaysa kadib markii mas'uulkani uu sheegay inuu doonayo inuu u tartamo doorashadda Masar ka dhacaysa sanadka soo socda ee 2018-ka

Axmed Shafiq ayaa dalka Masar u cararay 2012-kii xiligii Maxamed Mursi uu xukunka dalka ku guulaystay.

Markii dambena waxaa Maxamed Mursi xilka ka tuuray General Cabdifataax Alsisi sanadkii 2014-kii.

Axmed Shafiq waxaa loo haystay arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdaba marin.

Dalka Masar ayaa lagu wadaa sanadka soo socda ee 2018-ka inuu doorasho gallo.

Waxaana hadda wadankaasi ka taagan dhaqaalo xumo iyo amaanka oo aad u liita.

Cabdifataax Alsisi ayaa si weyn ula tacaalaya dagaal ay koox fadhigoodu yahay Siinaay ay ku hayso ciidanka dowladda