Dagaal Hada Ka Qarxay Caasimda Wadanka Yamen Iyo Cida U Dhexmarayo Dagalkaasi.
Shacabka deggan caasimada Yamen ee, Sanca, ayaa ku soo waramaya in dagaal qaraar u ka dhex qarxay falaagada Xuutiyiinta iyo xoogag taabacsan madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdulle Salex.
Waxaa jira warar sheegaya in la weeraray guriyo ay lahaayeen dad caan ah oo xiriir la lahaa Mr Salex.
Saraakiil u hadshay Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay dib u qabsanayaan dhul horey ay u qabsadeen taageerayaasha Mr Salex.
Kooxda falaagada Xuutiyiinta ayaa waxay horey u sheegeen in weerar gantaalo ah ay ku qaadeen dalka Imaaraadka Carabta.
Hasa yeeshee dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay in uusan jirin wax weerar ah oo lagu soo qaaday dhulkeeda.
Xuutiyiinta iyo ciidamada taabacsan Cali Cabdle Saalax ayaa horey u ahaa xulufo islmarkana dagaal kula jiray xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo.