Wadanka Konfurta Afrika Oo Hoy U Noqotay Dilka Soomalida Iyo Wiil Somaliyeed Oo Lagu DIlay Dalkaas.

0
Monday December 04, 2017 - 07:32:25 in by salman abdi
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadanka Konfurta Afrika Oo Hoy U Noqotay Dilka Soomalida Iyo Wiil Somaliyeed Oo Lagu DIlay Dalkaas.

    Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape town ku dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Shire Nuur sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape town ku dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Axmed Shire Nuur sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.

 

Burcad-dan oo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa jidka u galay ganacsadahan xilli uu ku sii jeeday goobtiisa ganacsi oo ku taala mid kamid ah xaafadaha ay ku yar-yihin Soomalida ku nool magaaladasai.

"Tirada ay ka koobnaayeen burcad-da falka fulisay si rasmi ah looma hayo , balse waxaan ognahay in ay rasaas ku fureen gaariga marxuumka ,xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada " ayuu yiri Maxamed Cali Geeddi Dakharre oo kamid ah Somalida Koonfur Afrika

"Booliska waxa ay inoo sheegeen in ay wadaan baaritaan ku aadan falkan dilka ah , mana jirto ilaa iyo hadda cid nalo sheegay in la soo qabtay " ayuu mar kale yiri Dakhare oo tilmaamay in Somalida si aad ah loo beegsanayo bilahan.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii labo wiil oo Somali ah oo isla dhashay lagu dilay magaalada Johansberg ,iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsi. Dilka labada wiil waxaa fuliyay dabley lagu qiyaasay 12 Qof oo hubaysnaa.

Ugu danbayn, Beegsiga iyo nacaybka dadka ajaanibta ah ayaa caado ka noqday in badan oo kamid ah magaalooyinka Koonfur Afrika ,waxaana la xaqiijiyay in tiro dad ah oo dhalashooyin kala duwan haysta in lagu dilay dalkaasi tan iyo bishii hore.