Gabadh Dhakhtar Ah Oo Shaqadeedii Ku Wayday Ilmo Yar Oo AY DHashay Oo Ay Ku Sheegtay Mayd+ Sababta.
Isbitaal ku yaalla caasimadda dalka Hindiya ee Delhi ayaa shaqada ka eryay labo dhakhtar oo si khalad ah u shaaciyay in uu dhintay ilmo yar oo dhashay.
Dhakhaatiirta oo ka shaqaynayay isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Max Hospital ayaa ku dhawaaqay in uu canugu dhintay saaco ka dib markii uu mataankiisii kale dhashay isaga oo mayd ah 30kii Nofeembar
Waalidka oo u sii socda aaska mataanahooda ayaa arkay in midkood nool yahay.
Dhacdadan ayaa dhalisay caro iyo dood ku saabsan tayada isbitaallada gaarka loo leeyahay oo badanaaba kharashaadkoodu badan yahay.
Isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Max Hospital ayaa war uu soo saaray ku sheegay in go'aankan adag ay qaateen iyaga oo ku salaynaya wadahadalladii ay la yeesheen khuburada".
"Inta ay socdaan baaritaannada ay wadaan khuburada oo ay ka mid yihiin dad aan isbitaalka u shaqaynin oo ka socda ururka dhakhaatiirta Hindida, waxaan go'aansanay in aan shaqada ka joojino labo isbitaal," ayuu Isbitaalku intaas ku sii daray.
Baaritaanka ay dawladdu ku haysto arrintan ayaa iyaduna socota.
Dhacdadan ayaa soo baxday markii ay waalidku ku baraarugeen in uu dhaqdhaqaaqayo mid ka mid ah carruurta oo ay dhakhaatiirtu mayd ahaan ugu xirxireen bac.
Mataanaha ayaydood ayaa sheegtay in qoysku ay ilmaha ula carareen isbitaal u dhawaa halkaas oo loogu xaqiijiyay in uu ilmuhu wali nool yahay, sida ay warbaahinta gudaha ku warrantay
Waa markii labaad ee isbitaallada gaarka loo leeyahay lagu eedeeyo in ay tacadi sameeyeen bilooyinkii u dambeeyay.
Bishii hore gabadh ayaa isbitaal kale ugu dhimatay xannuunka dengue ee kaneecada laga qaado, waalidkeed ayaana isbitaalka ku eedeeyay in ay kharash aad u badan ku soo dalaceen.
Gabadh Dhakhtar Ah Oo Shaqadeedii Ku Wayday Ilmo Yar Oo AY DHashay Oo Ay Ku Sheegtay Mayd+ Sababta.
Gabadh Dhakhtar Ah Oo Shaqadeedii Ku Wayday Ilmo Yar Oo AY DHashay Oo Ay Ku Sheegtay Mayd+ Sababta.