Xiisada Wadanka Yaman Oo Meel Adag Taagan Iyo Madaxwaynihi Hore Oo La Dilay

0
Monday December 04, 2017 - 22:46:28 in by salman abdi
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada Wadanka Yaman Oo Meel Adag Taagan Iyo Madaxwaynihi Hore Oo La Dilay

    Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.


Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in "la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda".

Dad ka tirsan xisbiga Mr Saalax ayaa sidoo kale xaqiijiyay geeridiisa, sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka qof u eg saalax oo dhaawacyo xun ay ka gaareen madaxa.

Xisbiga siyaasadeed ee uu ka tirsan yahay ayaa beeniyay in la dillay xilli hore, ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ay qarxiyeen gurigiisa ku yaalla caasimadda Yaman ee Sanca.

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi oo la doortay ka dib markii Saalax xilka looga tuuray kacdoon ayaa xarun ka dhigtay Sacuudiga.

Balse khilaaf siyaasadeed iyo muran dhanka maamulka ee masaajidka wayn ee ku yaalla meesha mucaaradka ay maamulaan ee Sanca ayaa sababay dagaal culus oo oo dhexmaray taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax iyo maleeshiyada Xuutiyiinta.


Ugu yaraan 125 qof ayaa ku dhimatay, 238 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka oo socday tan iyo Arbacadii la soo dhaafay.

Sabtidii, Saalax wuxuu ku baaqay "in bog cusub la furo" oo uu taageerayo Mr Haadi, haddii isbeheysiga Sacuudiga uu hoggaaminayo ay joojiyaan weerarka Yaman iyo xannibaadda xun ee ay ku hayaan.

Isbeheysiga iyo dowladda Cabdurabah Mansuur Haadi ayaa soo dhoweeyay hadalkaasi. Balse, Xuutiyiinta waxay Saalax ku eedeeyeen in uu "afgembinayo" isbeheysi "uusan weligii aaminin".

Xalay, magaalada Sanca waxaa ruxay duqeynta ay geysanayaan dowladaha uu hor kacayo Sacuudiga, waxaana lala eegtay Xuutiyiinta. Sidoo kale dagaal dhulka ah ayaa la isu adeegsaday hub culus. Hay'adaha gargaarka waxay sheegeen in shacab badan ay ku go'doomeen meesha uu dagaalka culus ka socday.

Xuutiyiinta ayaa la wareegay guriga SaalaxLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionXuutiyiinta ayaa la wareegay guriga Saalax

Maanta, salaadii duhur ka dib, guriga Cali Cabdalla Saalax ayaa la qarxiyay. Weli ma cadda in Saalax uu ku jiray guriga, balse saacado ka dib qaraxa, waxaa soo baxay wararka sheegaya in uu dhintay.

Muuqaal aan la xaqiijin oo baraha bulshada lagu baahiyay wuxuu muujinayaa mayd la sheegay in uu Saalax yahay oo lagu waday busta gaduudan. Waxaa siday rag hubeysan oo ku qeylinayay "Allahu akbar" iyo "Cali Cafashi-yoow!" - taas oo ay ula jeedaan qabiilka uu ka soo jeedo.

Xakim Almasmari, oo ah tafatiraha wargeyska Yaman Post ayaa TV-ga Al Jazeera u sheegay in dableyda Xuutiyiinta ay rasaas ku fureen kolonyada Saalax oo maraysay bar-koontorool oo ku taalla Koonfurta Sanca. Wuxuu ku sii socday deegaanka uu ka soo jeedo ee Sanhan.


Cali Cabdalla Saalax wuxuu madaxweyne ka noqday Waqooyiga Yaman, 1978-dii. Markii Yaman ay midowday 1990-kii, wuxuun madaxweyne u noqday jamhuuriyaddii cusbeyd.

Xuutiyiinta oo doonayay in ay go'aan Shiicada Zaidi ee laga badan yahay, ayaa Saalax la dagaallamay, laga soo billaabo 2004 illaa 2010-kii.

Waxay sidoo kale taageereen kacdoonkii 2011, xilka looga tuuray Cali Cabdalla Saalax, wuxuuna xilka ku wareejiyay ku xigeenkiisii, Cabdurabah Mansuur Haadi.

Xiisadda u dhexeysay Xuutiyiinta iyo Saalax ayaa sare u kacday ka dib isu soo bax ka dhacay SancaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionXiisadda u dhexeysay Xuutiyiinta iyo Saalax ayaa sare u kacday ka dib isu soo bax ka dhacay Sanca

Taageerayaasha Saalax ayaa ku biiray kacdoonka Xuutiyiinta ee lagu qabsaday Sanca 2014. Horraantii sannadkii 2015, madaxweyne Haadi wuxuu ku qasbanaaday in uu Cadan u guuro, ka dibna Sacuudiga. faragelinta isbeheysiga Sacuudiga ayaan ah in Haadi dib loogu celiyo maamulka dalka Yaman.

In ka badan 8,670 qof ayaa lagu dilay, 49,960 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka bilowday ka dib markii isbeheysiga Sacuudiga uu farageliyay Yaman sannadkii 2015-kii, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Dagaalka iyo go'doominta ayaa sababay 20.7 milyan oo qof in ay si adag ugu baahdaan gargaar bini-aadamnimo. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay in ay tahay cunta la'aanta ugu xun Caalamka, waxaana ka dhashay daacuun dilay 2,211 qof, tan iyo bishii April.