Wasaradda Waxbarashada Somaliland Oo Ku Fashilantay Deeq Waxbarasho Ay Heleen Ardaydii Sanadkan Galay Imtaxanadka Shaahadiga Ah

0
Monday December 04, 2017 - 23:11:39 in by salman abdi
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaradda Waxbarashada Somaliland Oo Ku Fashilantay Deeq Waxbarasho Ay Heleen Ardaydii Sanadkan Galay Imtaxanadka Shaahadiga Ah

    Waxa Magaalada Hargeysa ku sugan 180 Arday oo ku yimid baaq Wasaaradda Waxbarashadu u dirtay, kuwaasi oo ah Ardaydii ugu sarraysay Imtixaanaadkii Shahaadiga ah ee Sannadkan la qabtay, waxaana Qorshuhu ahaa inay tagaan Dalka Itoobiya oo Deeq Waxbarash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Magaalada Hargeysa ku sugan 180 Arday oo ku yimid baaq Wasaaradda Waxbarashadu u dirtay, kuwaasi oo ah Ardaydii ugu sarraysay Imtixaanaadkii Shahaadiga ah ee Sannadkan la qabtay, waxaana Qorshuhu ahaa inay tagaan Dalka Itoobiya oo Deeq Waxbarasho siisay.


 

Ardaydan oo ka kala yimid Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, ayaa sheegay inay yihiin 180 Arday oo Itoobiya siisay Deeq Waxbarasho isla-markaana Hargeysaku yimid Baaq ka soo baxay

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, kaasi oo ujeeddadiisu ahayd inay soo diyaar-garoobaan, si ay ugu ambo-baxaan Waxbarashada sare ee ay Itoobiya ka heleen, laakiin masuuliyiinta wasaaradda Waxbarashada oo Wasiirku ugu horreeyaa fulinta Arrintoodii uu kaga mashquulay Ololihii Doorashada madaxtooyada ee bishii hore Dalka ka dhacday.

 

 

Qaar ka mid ah 180 ka Arday qaar ka mid ah iyo Waalidiin si Wada jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Magaalada Hargeysa Shalay, ayaa waxay soo bandhigeen Cabashadooda "Intaanu Hargeysa joogno Huteello ayaanu degganahay oo aanu ku sugayno hawshayadii inay noo dhamaystiranto, markaa waxaanu ka codsanaynaa Madaxweynaha Xilka ka sii degaya iyo ka iman doonaba in si deg-deg ah hawshaa la noogu dhamaystiro.”ayuu yidhi, mid ka mid ah Ardaydaasi.

 

 

Mid kale oo Ardaydaasi ka mid ah oo isaguna hadlay ayaa yidhi "Waa 180 Arday oo Wasaaradda Waxbarashadu ay ka soo qortay Gobollada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan, waa Arday loogu Talo-galay Deeq Waxbarasho oo Dawladda Itoobiya siisay Somaliland, markii Deeqdani soo baxday waxa Wasaaradda Waxbarashadu ay amar ku siisay Maamuleyaasha Dugsiyada in Ardaydu ay si Dhakhso ah u samaystaan Baasaaboorrada iyo dhukumantiyada Socdaalka iyo Waxbarashada, Wasaaradda Waxbarashada oo Wasiirka Waxbarashadu kow ka yahay Arrintii wuu fududaystay waxaana kala waynaaday ololihii Doorashada.”

 

 

Ardayad ka mid ah kuwa ku xaniban Magaalada Hargeysa, ayaa iyaduna ku cabatay "Waxaanu ka cabanaynaa Dawladda Somaliland waxay noo dhamayn kari wayday Deeqda Waxbarasho ee Dawladda Itoobiya na siisay..”ayay tidhi.

 

 

Mid ka mid Waalidiinta Ardayda qabtay Shirka jaraa’id ee Cabashada ah, ayaa iyaduna sheegtay "Haddaanu Jaamicado geysan lahayn Wakhtigii baa dhacay, hadday wax kale eeg-eegan lahaayeena waalla hiyi-kiciyey oo waxa la yidhi Deeq Waxbarasho oo Dibadda ah ayaanu idiin haynaa ee Wada kaalaya oo 8 Cisho hawlihiina ku soo dhamaysta, haddana in laga fadhiisto oo Carruurtii ololihii Doorashadu ka waynaado dhib weyn bay nagu tahay.”ayay tidhi, hooyo ka mid ah Waalidiinta Ardayda ku Xaniban Hargeysa.