Laba Masuul Oo Ka Tirsan Dawlada Oo Gacan-Qaad Ku Dhexmaray Magalada Burco Iyo Sababta Keentay

0
Monday December 04, 2017 - 23:26:00 in by salman abdi
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Masuul Oo Ka Tirsan Dawlada Oo Gacan-Qaad Ku Dhexmaray Magalada Burco Iyo Sababta Keentay

    Laba Masuul Oo Ka Tirsan Dawlada Oo Gacan-Qaad Ku Dhexmaray Magalada Burco Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Masuul Oo Ka Tirsan Dawlada Oo Gacan-Qaad Ku Dhexmaray Magalada Burco Iyo Sababta Keentay

Warar ka imaanaya magaaladaa burco oo soo gaadhaya wargeyska Sahan ayaa tibaaxaya in dagaal gacan ka hadal ahi uu dhexmaray maayer ku-xigeenka degmada burco Muxumad Xasan Jaamac (Xoday) iyo mareeye ku-xigeenka wakaalada biyaha burcoSakariye Cabdiraxmaan Maxamuud.
Ujeedada dagaal gacan ka hadal ka dhalisey ayaa ah ka dib markii maayer kuxigeenka degmada burco uu isku dayay inuu iibsado dhul ku yaala xaafada jaaliyada halkaas oo uu maro beeb ama xaawis wayn oo biyaha burco qaybiya, kaas oo maalmihii ugu danbeeyay khilaaf kiisu u baxay isla markaana ay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanka burco qayla-dhaan ka muujiyeen isla markaana shegeen in maayerka degmada iyo ku xigeenkiisu faasaxeen dhulkaasi.
 
Xogaha ayaa tibaaxaya in maayer ku xigeenka degmada burco uu ka war helay in maayer ku xigeenka wakaalada biyaha burco uu is hortaagay dhulkaasi uu faasaxaayay, waxaana ilo xog-ogaal ahi ay wargeyska sahan u shegeen in maayer ku xigeenku uu gacanta ula tagay maareeyaha wakaalada biyaha magaalada burco Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud, waxaana halkaasi ka dhashey dagaal laysu adeegsadey feedh iyo laad.
 
"Walaal hadii aan kuu sheego sida wax u dhaceen, maayer ku xigeenka degmada burco ayaa iibinaayay dhul ku yaala xaafada jaaliyada ee magaalada burco, waxa arinkaas hor istaagey maayer ku xigeenka wakaalada biyaha burco dabadeed xodey ayaa soo galay xafiiska maareeye ku xigeenka wakaalada deedna feedh ayuu ku dhuftay maayere ku xigeenka labada masuulna gacanta ayay iskula tageeen oo waxba isulumay hadhin markaas waxaa kala jiidey askartii ilaalada aheyd iyo dadkii meesha ku sugnaa” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa oo ka gaabsadey inaan magaciisa shaacino.
 
Dagaalkan dhexmaray maayer ku-xigeenka degmada burco Muxumad Xasan Jaamac (Xoday) ) iyo mareeye ku-xigeenka wakaalada biyaha burco Sakariye Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xili qayla dhaan ba’ay ay kasoo baxaysay dawlada hoose ee degmada burco taas oo ku aadan dhul boob qaawan oo maayerka iyo maayer ku-xigeenka degmada ay kusoo qaadeen dhulkii danta guud eeku yaaley magaalada burco, iyaga oo ka faa’idaysanaya xiligan kala guur ka ee ay dalka la kala wareegayaan laba dawladood. 

 Xigasho Wargayska Sahanka.