Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Oo La Filayo Inuu Kasoo Qayb-galayo Munaasibada Dhaarinta Madaxwaynaha Cusub Iyo Ku Xigeenkiisa

0
Monday December 04, 2017 - 23:33:17 in by salman abdi
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Oo La Filayo Inuu Kasoo Qayb-galayo Munaasibada Dhaarinta Madaxwaynaha Cusub Iyo Ku Xigeenkiisa

    Mucjiso Ma Guurto Noqonaysa Oo Aan Somaliland La,la Wadaagin Saddex Madaxweyne Iyo Ku Xigeenadoodii Oo Isku Sidkan Oo Markhaati Ka Noqonaya Midhaha Dimuqraadiyada Somaliland Beeratay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mucjiso Ma Guurto Noqonaysa Oo Aan Somaliland La,la Wadaagin Saddex Madaxweyne Iyo Ku Xigeenadoodii Oo Isku Sidkan Oo Markhaati Ka Noqonaya Midhaha Dimuqraadiyada Somaliland Beeratay.

 
Ilo looga qaateen ah oo wargeyska sahan helayo ayaa tibaaxaya in Madaxweynihii Hore ee Somaliland Muddane Daahir Riyaale Kaahin oo ku sugan dalka france maalinta salaasada ee toddobaadkan ku soo wajahan yahay magaalada hargeysa, imaanshaha Madaxweyne Riyaale ayaa la wariyey inuu ka dambeeyey martiqaad rasmi ah oo u ka helay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi kaas oo si khaas ah ugu marti qaadey inuu goob joog ka ahaado Maalinta dhaarinta iyo xil wareejinta ee madaxweynaha la doortay lagu wareejin doono Somaliland,
Daahir riyaale kaahin oo talada wadanka gacanta ku hayey muddo 8deed sanno ah ayaa cahdigii uu talada dalka gacanta ku hayey keenay meel wanaagsan markii xilka lagaga guuleystayna si xarago leh u wareejiyey intii ka dambeysayna wuxuu ahaa odey Somaliland ah oo horumarka dalka jecel isagoona ilaa wakhtigaa aan wax hadal xun dalka uga soo yeedhin mucaaradna ku noqon xukuumadii talada dalka kala wareegtay.
 
Sidoo kale ex Madaxweyne riyaale wuxuu daawade ka ahaa tartankii doorashada dalka ka dhacay isagoona aan marna ka soo muuqan masraxa siyaasada dalka. xisbi gooniya u xaglinaya wuxuuna ummada Somaliland tusay inuu dhex ka yahay wallow ay jirtay xisbiyo quud-dareynayey inuu la safto oo suuqa soo galaliyey, balse markii dambe u quus-gooyey, Imaansha daahir riyaale dalka ku imanayo ayaa noqonaya mid ka duwan safaradii hore ee uu dalka ku iman jiray.
 
Xaflada caleemo saarka Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa iyana ka duwan xilwareejinihii hore ee qaranka waxaana goobjoog ka ah oo qurux iyo bisaylka siyaasadeed ee dalku gaadhay ku tusaya in saddexdii madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ee xukunka iyo talada dalka u kala dambeeyey ay goobjoog markhaatiya ka ahaadaan Madaxweyne Daahir riyaale iyo madaxweyne ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf yaasiin, Axmed Maxamed Maxamud (SIILAANYO) Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii Cabdiraxmaan Seylici Oo Mar kale Madaxweyne ku xigeen u ah madaxweynaha la doortay muuse biixi cabdi sawiradan iyo taariikhda maguurtada ah ayaa noqonaya kuwo qurux iyo xarago u yeela xiisaha siyaasada dalka kaas oo bisaylka siyaasadeed ee dalka ka hano qaadey noqdey mid aan dalalka aduunku qaar kood helin.
 
 
 
 
Xigasho Wargeyska SAHAN.