Lacago Lagu Musuqmaasuqay Qabanqaabadii Aaskii Mandela Iyo Cida Falkaasi Ku Kacday

0
Tuesday December 05, 2017 - 07:16:07 in by salman abdi
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacago Lagu Musuqmaasuqay Qabanqaabadii Aaskii Mandela Iyo Cida Falkaasi Ku Kacday

    Baaritaan ay samaysay hay'ada la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu ogaaday in in ka badan 20 milyan oo doolar si xun loo isticmalay intii lagu guda jiray diyaarinta aaskii Nelson Mandela.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaritaan ay samaysay hay'ada la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu ogaaday in in ka badan 20 milyan oo doolar si xun loo isticmalay intii lagu guda jiray diyaarinta aaskii Nelson Mandela.


Hay'adda ayaa qeexday sida ay saraakiil ka tirsan dowlada ay lacago u xadeen islamarkana looga badbadiyay qiimaha ku baxay aaska Mandela.

Lacago loogu talagalay bulshada saboolka ah ayaa lagu iibiyay waxyaabo qiimahooda la kordhiyay sida funaanado qaali ah.

Warbixinta ay soo saartay hay'ada la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku talinaysa in la sameeyo baaritaano ku aadan musuqmaasuq.

Eedeymaha ku saabsan in lacagaha aaskii Mandela si xun loo adeegsaday ayaa markii ugu horreysay soo baxay sanadii 2014.

Nelson Mandela,oo ahaa madaxwaynihi ugu horreeyay ee madow ah dalka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday 4 sano ka hor.