Qaramada Midoobay Oo Ka Walwalsan Khatarta Faafitaanka HIV Ee Wadanka Masar Oo Mudooyinkii U Danbeyay Soo Badanayay

0
Tuesday December 05, 2017 - 07:18:38 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Ka Walwalsan Khatarta Faafitaanka HIV Ee Wadanka Masar Oo Mudooyinkii U Danbeyay Soo Badanayay

    QM ayaa ka digtay khatarta faafitaanka HIV ee Masar, halkaas oo tirada kiisaska cusubi ay sii kordhayso ilaa boqolkiiba 40 sannadkii, halka dadaalka lagula dagaallamayo cudurrada faafa ay caqabad ku tahay ceebaynta bulshada iyo la'aanta dhaqaale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

QM ayaa ka digtay khatarta faafitaanka HIV ee Masar, halkaas oo tirada kiisaska cusubi ay sii kordhayso ilaa boqolkiiba 40 sannadkii, halka dadaalka lagula dagaallamayo cudurrada faafa ay caqabad ku tahay ceebaynta bulshada iyo la'aanta dhaqaale si wax looga qabto dhibaatada .


Fayraska sababa AIDS-ka, ayaa mas'uuliyiinta UN-ka ay sheegeen inuu saamaynayo dhalinyaro iyo da’yarta in ka badan 'da’aada kale.

Dalka Masar, bukaanka qaba cudurka inta badan waa la xirxira iyagoo lagu dhax ceebeeyo ama la aflagaadeeo bulshada dhexdeeda.

Cudurka waxaa lala xiriiriya galmada raga u galmooda raga kale, taas oo aan si cad u ahayn sharci darro dalkaasi laakiin waxaa loo arkaa inuu yahay xadgudub ka dhan ah diinta iyo dabiiciga ee waddanka ay ugu badanyihiin Muslimiinta.

Ahmed Khamis, oo ka tirsan hay'adda Qaramada Midoobay ee AIDS ka, ayaa u sheegay warbaahinta inay jiraan boqolkiiba 25-30 korarka kiisaska sannad walba ... waana arin naxdin leh sababtoo ah korodhka cudurrada faafa iyo deeq bixiyayaasha oo aan daneenin inay maalgaliyaan wax ka qabashada cudurka.

Qiyaasta tirada dadka qaba cudurka HIV ee Masar ayay ku kala duwan yihiin. UNAIDS ayaa sheegtay in ay jiraan in ka badan 11,000 oo xaaladood, iyada oo wasaaradda caafimaadka ee Masar ku qiyaastay qiyaastii 7,000 oo qof.