Dalka Isaa'iil oo Gantaalo ku weerartay saldhig ku yaalla Suuriya

0
Tuesday December 05, 2017 - 09:52:54 in by Burco Office
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Isaa'iil oo Gantaalo ku weerartay saldhig ku yaalla Suuriya

    Dalka Isaa'iil oo Gantaalo ku weerartay saldhig ku yaalla Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Isaa'iil oo Gantaalo ku weerartay saldhig ku yaalla Suuriya

Israa'iil ayaa gantaalo ku garaacday saldhig militari oo ay dowladda Suuriya leedahay kaasi oo ku yaalla meel u dhaw caasimada Dimishiq.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay gobolka Jamaraya oo ku yaalla galbeedka Dimishiq.

Koox u dooda xuquqda aadanaha Suuriya ayaa sheegtay in weerarkan lala bartilmaameedsaday xarun lagu sameeyo cilmi baarista sayniska iyo goob hubka lagu kaydiyo.

Telefishinka dowladda Suuriya ayaa sheegay in saddex ka mid ah gantaaladani laga hortagay.

Militariga Suuriya ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan weerarkan.

Balse weerarkan ayaa ku soo beegmaya xiilli laba maalmood ka hor weerar kan la mid ah ay Israa'iil fulisay.

Dowladda Israa'iil ayaa sheegtay in ay ka walaacasan tahay galaangalka Iiraan ee dalka Suuriya.