Ma lagu guuleysan karaa dhismaha ciidammada qaranka Soomaaaliya?

0
Tuesday December 05, 2017 - 09:52:54 in by Burco Office
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma lagu guuleysan karaa dhismaha ciidammada qaranka Soomaaaliya?

    Ma lagu guuleysan karaa dhismaha ciidammada qaranka Soomaaaliya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma lagu guuleysan karaa dhismaha ciidammada qaranka Soomaaaliya?

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay kullan ku saabsan arrimaha amniga Soomaaliya kaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda Soomaaliya iyo wufuud caalami ah.

Shirka wuxuu daba socdaa shirkii bishii May ka dhacay magaalada London kaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya iyo maalgelintooda.

Shirka waxaa sidoo kale la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ku saabsan bixitaanka ciidamada AMISOM, in militariga Soomaaliya la wareegaan howlaha amniga iyo dhaqaalaha ciidamada Soomaaliya ku baxaya.

Dhismaha ciidamada qaran

Image captionShirka Muqdisho waxaa ka qeybgalaya wufuud kala duwan, waxaana looga hadlayaa dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Sida ku cad warar hordhac ah oo ka soo baxaya shirka amniga ee ka furmay Muqdisho waxaa inta badan laga wada hadli doonaa hormarka dhanka amniga ee la sameeyay ka dib shirkii London ee bishii May ee sanadkan.

Heshiiska shirkii London wuxuu dhigayay in la dhiso ciidamo qaran oo Soomaaliya ay leedahay si ay howlaha sugidda amniga uga qeybgalaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay furitaanka shirka maanta ka furmay Muqdisho wuxuu sheegay "Waxaan wax badan ka baranay baahida iyo awoodda ay leeyihiin ciidankeena. Macluumaadkan waxaan u adeegsan doonaa in aan ku salaynayo isbedelka aan sameynayno. Guulahan aan gaarneyn waxay fududeyn doonaan meelmarinta qaab dhismeedka ammaanka qaran, iyo qaabka wax ku oolka ah ee loo wajahayo ammaanka."

Ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 18,000 oo askeri oo ka kala imaada qeybaha dalka ayey noqon doonaan kuwa cusub, waxaana loo diyaarinayaa in amniga dalka ay kala wareegaan AMISOM.

Maamul goboleedyada ayey ka kala imaanayaan ciidamada la dhisayo, xarumo lagu tababaro ayaana laga sameynayaa gudaha Soomaaliya sida laga sheegay shirkaasi.

''Heshiiska dhinaca ammaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxaa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa'' ayay tiri, ra'iisal wasaaraha Britain oo ka hadashay shirkii bishii May ka dhacay London ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Puntland ayaa maalmo ka hor keentay 2,400 oo askeri oo ay ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidamada isku dhafka ah.

Ciidamada xoogga dalka ee hadda dhisan waxay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee AMISOM ay qeybta ka tahay.

Soomaaliya ma isku filan tahay bixitaanka AMISOM ka dib?

Dhismaha ciidammada qaranka Soomaaliya amxaa hortaagan

AMISOM ayaa dhowaan si rasmi ah ugu dhawaaqday in laba sano gudahood ay uga bixi doonaan Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen tan iyo 2007-dii.

Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika eek u sugan Soomaaliya ayaa gaarayo illaa 22 kun oo askeri oo ka kala socda dalalka Ugandha, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horraysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ay ka howlgalaan caasimadda.

Ciidamada Soomaaliya ayaa la filayaa in ay la wareegaan saldhig kaste oo ay baneeyaan AMISOM ka dib marka ay billaabaan in ay ka baxaan Soomaaliya.

Illaa 1000 askeri oo ah kuwa ugu horeeya ayaa Soomaaliya laga saari doonaan dhammaadka bisha December ee sanadkan.

Hase yeeshee waxa ay u egtahay in dowladda federaalka aysan walwal badan ka qabin bixitaanka AMISOM ee biloowday sida uu sheegayo wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo BBC-da u warramay

"Soomaaliya waxay isku duba riday hab nabadgelyo oo wanaagsan, waxaanan aaminsanahay in ciidammadeena ay heleen tababar ku filan, xiligan waa markii loo baahnaa in aan anaga dhabarka u ridano mas'uuliyadda amniga", ayuu yiri Yariisow.

Image captionShirkii London ee dhacay bishii May ee sannadkan 2017

Madaxweyne Farmaajo oo dhiira gelinayay ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay "waxaan aaminsanahay in aan ka guuleysaneyno Al-Shabaab. Khibradeeda waad leedihiin, Wadaniyaddeeda waad leedihiin… dowlad wanaagsan oo diyaar u ah in ay hormuud idiin noqotana waad haysataan".

Maalgelinta ciidamada amniga Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay: "Muddadan kooban waxaan ku dhamaystirnay qiimeynta iyo diyaargarowga howlgalka ee booliska iyo milaterigeena. Waxaan bilownay in aan qaab casri ah u diiwaan gelinayo askarteena si musharakooda loogu shubo akoono bangiga ah."

Ergo ka kala socota Bangiga adduunka iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka hadlaan sida loo maalgelinayo ciidamada Soomaaliya iyo haddii ay hayaan dhaqaale ku filan.

Haween badan ayaa ku biiray xogagga ammaanka Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo ka hadlay kullanka wuxuu yiri: "Waxay ila tahay in awoodda beesha caalamka ay ku dhisayso laamaha ammaanka ee Soomaaliya ay ku xirnaan doonto hormarka laga sameeyay qaabka ammaanka iyo meelmarinta qorshahaasi kala guurka ah. Soomaalidu waxay mudan yihiin taageero macquul ah oo beesha caalamka uga timaada si ay taasi u sameeyaan."

Dowladda Soomaaliya ayaa maalgelin ka hesho meelo kala duwan sida, Midowga Yurub, dalalka Carabta qaar iyo Qaramada Midoobey.

Dowladda Soomaaliya waxay fileysaa in ay gaarto heer isku filnaansho dhanka dhaqaalaha ah, haddii wax lagala qabto dhanka amniga.

"Ka dowlad ahaan, waxaan xoogga saarnay dhakhliga gudaha waxaana filaynaa in mustaqbalka aan la wareegi doona kharashaadka ku baxa dowladdeena. Haseyeeshee xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa dhaafsiisan awoodeenna dhaqaale, waxaana degdeg u codsaneynaa in beesha caalamka ay kordhiso taageeridda laamaheenna ammaanka, waa haddii la rabo inaan ilaalino guulaha aan ilaa hadda gaarnay." Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.


Daawo: Qorshaha Farmaajo ka dib weerarkii Soobe