Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile Shuruudo Ku Xidhay In Xisbiga WADDANI La Shaqeeyo Xukuumadda Muuse Biixi

0
Tuesday December 05, 2017 - 09:52:54 in by Burco Office
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile Shuruudo Ku Xidhay In Xisbiga WADDANI La Shaqeeyo Xukuumadda Muuse Biixi

    Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile Shuruudo Ku Xidhay In Xisbiga WADDANI La Shaqeeyo Xukuumadda Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile Shuruudo Ku Xidhay In Xisbiga WADDANI La Shaqeeyo Xukuumadda Muuse Biixi

Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid guddiga ilaalinta iyo daba-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay sida loo sugi karo hantida qaranka wakhtiga kala guurka.


Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile ayaa waraysi gaar ah siiyay telefishanka HCtv ayaa waxa uu yidhi "haddii aanu nahay guddiga ilaalinta iyo hantida qaranka xilli xawligayagu aad uga wanaagsanaa sida aanu maanta nahay ayaa jirtay, horta xeerar muhiim ah gacanta waanu ku haynaa laakiin waxa la rabaa xeerarkaasi inay akowntibal u noqdaan amma qaar taabta geedi socodka aynu maanta galnay inay taabtaan oo ay la kulmaan ayaynu u baahanay, xafiis kasta oo qaran in uu mid nool noqdo ayaa la rabaa waliba kolay annaga qorshe badan ayaa noo yaalla waxa aanu iminka u ballanay labada maalmood ee gudfi hoosaadka oo dhammi iyaga oo shaqaynaya khamiisaha iyo arbacada jimcaha mooyaane inta kale in aanu shaqayno” ayuuXildhibbaan Maxamed Faarax Qabile

Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay sida ka xisbi ahaan ula shaqaynayaan xukuumadda cusub ee soo dhisayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaanu yidhi "madaxweynaha cusub waxa aanu kula shaqaynaynaa wax alaale wixii aanu caaridaynay ee aanu lahayn waxaas qaloocan, haddii uu toosiyo kuwa gacansiinaya ayaanu nahay xisbiga WADDANI ee uga horraynaya cid kasta, laakiin waxa aanu ula imanaynaa wanaagaa wanaagiisa maanta odhan mayo mucaaradiid ayaanu eegaynaa sida uu dhaqaaqo ayaanu baxnaaninaynaa, wixii aanu annaguba ka dadaal galaynay ee ummadda ka hami galinaynay sida uu uga dhaqaaqo ayaanu eegaynaa, wixii dalkan iyo dadkan u dan ah gacan ayaanu ku siinaynaa, dee kolay mucaaridna wax ayuu toosiyaa waddada halka uu kala baxana waanu eegaynaa, waxa aanu sugaynaa halka u bidix iyo midig ka dhaqaaqo, waxa aanan u rajaynaa kolayba maanta waa Madaxweynahayga” ayuu yidhi Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile.