Kulan Albaabadu Xidhnaayeen Oo Dhex Maray Madaxweynaha Cusub Iyo Eng Cali Xoor Xoor Iyo Arimaha Lagu Heshiiyay.

0
Tuesday December 05, 2017 - 09:52:54 in by Burco Office
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Albaabadu Xidhnaayeen Oo Dhex Maray Madaxweynaha Cusub Iyo Eng Cali Xoor Xoor Iyo Arimaha Lagu Heshiiyay.

    Waddooyinka Muqdisho Oo Xidhan Maalintii Labaad iyo Sababta Loo Xidhay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddooyinka Muqdisho Oo Xidhan Maalintii Labaad iyo Sababta Loo Xidhay

Eng Cali Xoor Xoor Waa Khabiir Fur Furi Kara Heshiiska Aan Lugaha waawawyn Ku taagnayn Ee Dp World Dekada Berbera, Maareeyihii Hore Ee Dekada Berbera Eng Cali Cumar Maxamed [ Xoor Xoor] Ayaa Kulan Qaatay Mudo Kooban La Kulmay Madaxwaynaha Cusub Ee la Doortay Muuse Biixi Cabdi, qasriga Madaxtooyada Somaliland


Kulankan Xasaasiga Ah Ee Dhex Maray Eng Cali Xoor Xoor iyo Madaxwayne Biixi Ayaa Kusoo Beegmaya Xili Mashquuul Badan Oo Madaxwayne Biixi ka Fikirayo Shaqasiyaadkii uu Xulan Lahaa si Uu Usoo Dhiso dawlad tayo iyo Khibrad Leh Oo Kasaarta Qarankan Qawadka dawladnimo Ee Ka Jirta Eng Cali Xoor Xoor Waa Siyaasi Aan Hadana Jeclayn In Uu Si Qoto Dheer U Guda galo Siyaasada dalka ka Jirta ,Laakiin Wuuxuu daneeyaa Dawladnimada iyo Nadaamka Ku Shaqayntiisa, Dabcana Wuxuu Khabiir Ku yahay maamulida Dekadaha Maadaama Uu Ku Dhawaad 20 sanadood maareeye Ka Ahaa Dekada Wayn Ee Berbera, Waxaanu In badan ka hawlgalay In Uu Maal gashi u raadiyo Dekada Berbera ,Taasi oo markii danbe Fikirkiisii Dhashay Keenidii Shirkada carbeed ee DP World In Aay Kiraysato Dekada Berbera, Arinkan Ayaan U Dhicin Qorshihii Uu Dejiyay Eng Cali Xoor Xoor ,Waxaana Xusid Mudan In Dawlada Axmed Siilaanyana ka Dul Guurtay oo Heshiisyo Aanu Qayb ka Ahayn Aay la gashay Shirkadan Dp World Taasi Oo Sababtay In Uu Eng Cali Xoor Xoor Laga Qaado Maareeye Nimadii Waxaana Xukuumada Siilaanyo U Fudu Daaday Xiligaasi In Aay Dhamaystirto Heshiiskaasi oo Muran badan ka Dhex Dhaliyay dawlada iyo Dadka ka Aragtida Duwanaa Ee Danaynayay In Aan la Kirayn Isha kaliya ee Dhaqaalaha Wadankani kazoo Galo, Eng Cali Xoor Xoor Khibradiisa Dhinaca Dekadaha Ahi Waxay U sahli kartaa Madaxwaynaha Cusub In Uu Ka Caawiyo Fur Firitaanka Hsehiiskan Aan Lugaha waawayn Ku Taagnayn Ee Shirkada Dp World La gashay Dawlada Somaliland Ee Xili Xileedkeedii Dhamaaday,