Nin loo xiray in uu xaaskiisa iyo ilmo kiis ah qasab uga kaxeeyay Australia

0
Wednesday December 06, 2017 - 09:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin loo xiray in uu xaaskiisa iyo ilmo kiis ah qasab uga kaxeeyay Australia

    Nin loo xiray in uu xaaskiisa iyo ilmo kiis ah qasab uga kaxeeyay Australia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin loo xiray in uu xaaskiisa iyo ilmo kiis ah qasab uga kaxeeyay Australia

Nin lagu eedeeyay in uu xaaskiisa iyo dabadh uu dhalay ku qasbay in ay ka tagaan Australia oo ay aadan Hindiya ayaa lagu xiray magaalada Sydney.

Booliiska ayaa sheegay in ninkan oo 27 jir ah uu xaaskiisa iyo gabadhiisa u adeegsaday hanjabaad, caddaadis iyo khayaano si ay Australia uga baxaan bishii Maarso iyaga oo aan raali ka ahayn.

Markii ay baxeenna wuxuu isku dayay in uu nasakho dal ku galkii ay Australia siisay xaaskiisa oo Hindiya ku dhalatay.

Ninkan ayaa maxkamadda la soo taagay Talaadadii isaga oo loo haysto saddex dacwadood oo ay ka mid yihiin in uu dad si sharci darro ah ku safriyay iyo in uu adeegsaday dhokumantiyo been abuur ah.

"Waa arrin dhib badan in aan aragno qof dhibane ah iyo ilmaheedii yaraa oo ay Australia caawinaysay in la geeyo dal kale iyadoo aysan jirin wax ku qaadaya in ay dalkoodii ku laabtaan," ayuu yiri Dan Evans oo ka mid ah masuuliyiinta booliiska faderaalka.

Ninkan oo muwaadin Australian ah oo aan magaciisa loo sheegi karin aarrimo sharci dartood ayaa ku guuldaraysay in isku day uu ku doonayay in xaaskiisa lagagala noqdo dal ku gal, gabadhiisa yarna lagagala noqdo baasaboorka Australia, sida uu booliisku sheegay.

Haweenayda ayaa la xiriirtay urur la dagaalama adoonsiga ka dib markii ay ka tagtay Australia ee ay gaartay Hindiya, ururkaas ayaana masuuliyiina dawladda ku wargaliyay.

Ninka ayaa damiin lagu siidaayay wuxuuna maxkamada mar kale soo hor istaagi doonaa qaybta dambe ee bishan.

Booliiska Australia ayaa sheegay in dambiyada la xiriira adoonsiga ama dadka sida sharcidarrada ah loo dhoofiyo in ay ka mid yihiin kuwa aan inta badan dawlada lala wadaagin.

Dhawaannahanna waxay baaritaan ku sameeyeen 150 kiis oo arrintaas la xiriirta.