Dab xooggan oo ka kacay koonfurta gobolka California Iyo Khasaraha Uu Gaystay.

0
Wednesday December 06, 2017 - 09:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab xooggan oo ka kacay koonfurta gobolka California Iyo Khasaraha Uu Gaystay.

    Dab xooggan oo ka kacay koonfurta gobolka California Iyo Khasaraha Uu Gaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan oo ka kacay koonfurta gobolka California Iyo Khasaraha Uu Gaystay.

Kumannaan qof ayaa ka barakacay guryahooda ku yaal koonfurta gobolka California, ka dib markii uu halkaa ka kacay dab ay huriyeen dabaylo xooggan.

Dabka ayaa ka kacay deegaanka Ventura ee waqooyiga Los Angeles, waxaana uu saddex jibaarmay saacadihii lasoo dhaafay.

In ka badan 150 dhismo oo uu ku jiro cisbitaal dhimirka ah, ayaa ku gubtay dabkaasi, waxaana uu koronto la'aan dhigay ku dhawaad rubuc milyan guri.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan meel u dhaw Los Angeles ayaa sheegay inuu arkay qiiq kacay oo xiray wadooyinka waaweyn ee magaaladaasi gala.

Barasaabka California, Jerry Brown ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegtay in dabeylaha ay socon doonaan dhowr maalmood.