Mas'uuliyiinta Wasaaradaha Oo Wakhtiga Kala Guurka Saf Ugu Jira Faaruqinta Akawnnada Xukuumadda Iyo Agaasimayaal Mashquul Ka Dhigay Bangiyada Hargeysa

0
Wednesday December 06, 2017 - 09:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta Wasaaradaha Oo Wakhtiga Kala Guurka Saf Ugu Jira Faaruqinta Akawnnada Xukuumadda Iyo Agaasimayaal Mashquul Ka Dhigay Bangiyada Hargeysa

    Mas'uuliyiinta Wasaaradaha Oo Wakhtiga Kala Guurka Saf Ugu Jira Faaruqinta Akawnnada Xukuumadda Iyo Agaasimayaal Mashquul Ka Dhigay Bangiyada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiinta Wasaaradaha Oo Wakhtiga Kala Guurka Saf Ugu Jira Faaruqinta Akawnnada Xukuumadda Iyo Agaasimayaal Mashquul Ka Dhigay Bangiyada Hargeysa

Inkastoo Uu Hantidhawrka Guud Dhawaan Soo Saaray Amar Lagu Xayiray Xisaabaadka Dawladda Hadana Waxay U Muuqataa Inaan Waxba Isbedelin



Inkastoo uu hantidhawraha guud dhawaan ku dhawaaqay in wakhtiga kala guurka la xayiray in wax lacag ah lagala baxo xisaabaadka dawladda ee bangiyada kala duwan ee dalka waxaa hadana maalmihii u dambeeyey soo baxayay inaan amarkaasi dheg jalaq loo siin.Waxaana la arkayay iyadoo ay masuuliyiin dawladda ahi ay ku sugan yihiin xarumaha bangiyada gaarka ah iyo bangigaga dawladda, kuwaaso sita xisaabaad iyo jeegag ay ku qoran tahay xisaabta malaayin shilinka Somaliland ah, kuwasoo la bixitaankoodu uu muuqdo sharci jebin iyo in laga faa’iidaysanayo wakhtiga kala guurka.

 

Sidoo kale ma kala cadda in kharashkaada hadda la saarayaa ay yihiin kuwii lagama maarmaanka ahaa iyo sidoo kale inay yihiin kharashaad loogu kala dheeraynayo wakhtiga kala guurka awgii, waxaase xusid mudan in waaxda xisaabaadka ee dawladda iyo bangiyada uu ka jiro mashquul waalli ah, waxaana is waydaaranaya masuuliyiin u badan agaasimayaal kuwaasoo sita xisaabaad iyo jeegaga.

Hantidhawraha guud iyo hay’adaha kale ee arrimahaas ku shaqada leh ayaan illaa hadda wax jawaab ah arrinkan ka bixin.