Madaxweynaha Dalka Tiurkiga Erdogan Oo U Quus Gooyay Madaxda Wadamada Reer Galbeedka Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Qudus.

0
Wednesday December 06, 2017 - 09:50:50 in by Burco Office
  • Visits: 717
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Tiurkiga Erdogan Oo U Quus Gooyay Madaxda Wadamada Reer Galbeedka Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Qudus.

    Madaxweynaha Dalka Tiurkiga Erdogan Oo U Quus Gooyay Madaxda Wadamada Reer Galbeedka Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Qudus.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Tiurkiga Erdogan Oo U Quus Gooyay Madaxda Wadamada Reer Galbeedka Iyo Waxa Uu Ka Yidhi Qudus.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in dalkiisu uu xiriirka u jari doono Israa'iil haddii Mareykanku uu u aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil.

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabdaasi ay Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu khadka cas ka tallaabay.

Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inuusan qaadin tallaabadaasi.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono isbuucan, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol'olaha doorashada.

"Mr Trump! waxaad ogaataa in Qudus khad casa ay uga dhigan tahay Muslimiinta," ayuu yiri Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishinka.

"Waxay arrintaa horseedi kartaa inaaan calaaqaadka diblomaasiyadeed u jarno Israa'iil", ayuu sii raaciyay Erdogan.

Maraykanka : Xamaas waa in ay hubka dhigtaa

Maxaa isu soo jiidaya Sucuudiga iyo Israa’iil?

Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa'iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeyo tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa'iil 1984.

Israa'iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa'iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Trump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono QudusLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTrump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono Qudus

Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go'aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.

Jordan oo Maraykanka ugu baaqday in uusan Qudus u aqoonsanin caasimadda Israa'iil

Dunidu maxay ka tiri arrintan?

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Donald Trump inuu ``ka walaacsan yahay`` in hoggaamiyaha Mareykanka uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahy caasimadda Israa'iil, isagoo sheegay in taasi ay ku imaan karto oo kali ah wadahadal dhexmara dhinacyada Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurubayaa ka digay 'cawaaqib daran iyo caro ka timaado ra'yul caamka qeyba badan oo ka mid ah dunida.

Jaamacadda Carabtaayaa ku tilmaantay tillaabo khatar ah oo caawaaqib darran reebo karto.

Sacuudigaayaa sheegay in tallabaadasi ay sameeyn ku yeelan karto tubta nabadda.

MadaxweynahaFalastiiniyiintaMaxamuud Cabbaas ayaa hogaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan isagoo sheegay inay tallabdaasi ay `` burburin karto hanaanka nabadda``

Wasiirka arrimaha dibadda eeJordanayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil.