Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Boos Oo Mudooyinkii Udanbaysay Ku Jiray Firxad Iyo Dhuumasho+ Moogananta Gudida Daba Galka Hantida Qaranka.
Wasiirka biyaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Xuseen Cabdi Boos ayaa mudadii uu hayay xilka wasiirka wasaaraddaasi waxaa uu caan ku noqday inuu u jan jeedhsamo meesha ay dantiisu ku jirto.
Waxaanu bilaabay inuu eex iyo qaraabo kiil uu kula dhaqmo shacabka uu xilka u hayo, isaga oo dad gaara oo dantiisa uun wada wasaaradaasi ka shaqa galiyay.
Wasiirku gaadhigan uu hada wato maaha mid uu siistay lacag uu isagu leeyahay ee waa mid uu hantidii qaranka siistay.
Wasiirkani ayaa sameystay kooxo isugu jira siyaasiyiin iyo sulaadiin danaystayaal ah oo faanka masuulkani uu ka sheekeeya.
Wasiirkani ayaa lunsaday lacagihii loogu talo galay biyo galinta gobolada bariga Somaliland iyo guud ahaanba deegaanada ay biyo la’aantu ka jirto,iyada oo masuulkani uu musuqii ugu weyna uu dul hoganayo.
Wasiir xuseen xitaa waxaa uu ka sir qarsadaa xukumada uu ka tirsanyahay lamana oga waxan u hada ka shaqaynaayo,madaama waftigii madaxwaynaha dhammaaday.
Iyadoo loogu dulqaadanayey ficilada uu wasaaradda dhexdeeda ka wado, ayuu haddana Boos bilaabay inuu shaqaale badan oo beeshiisa ah geeyo wasaaradda biyaha.
Wasiir Xuseen Cabdi Boos oo inta badan muujiya inuu yahay Muwaadin ayaa hadda waxaa la arkayaa isagoo ku dhaqmayo waxyaabo shaki gelin kara sumcadiisa.