Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo ka Warramay Xaaladda Degmada Badhan iyo Dhahar oo uu socdaal ku marayo

0
Thursday July 31, 2014 - 11:40:16 in by Super Admin
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo ka Warramay Xaaladda Degmada Badhan iyo Dhahar oo uu socdaal ku marayo

    Wasiirka wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa waxa uu munaasibadii ciidul fidriga kala qayb galay dadweynaha ku dhaqan gobolka Badhan. Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa waxa uu munaasibadii ciidul fidriga kala qayb galay dadweynaha ku dhaqan gobolka Badhan. Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka ee SOLNA.

Wasiirka kalluumaysigu waxa uu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee deegaamadii uu soo maray ay aad u fiicnaayeen dad iyo duunyaba, balse meelaha qaar ay ka jireen abaarro.

Wasiirku isagoo ka hadlayay ujeeda socdaalkiisa iyo xaaladda dhulkii ay soo mareen waxa uu yidhi "Ujeedada socdaalkayagu waa in laga war-hayo oo aanu is xog-waraysano masuuliyiina dawladda ee deegaanadaas si aanu wax badan uga ogaano xaaladaha ammaanka iyo siyaasadda. Waxaana jira shirar bulshadda deegaamadaasi ku dhaqan u socda si aanu uga hawl galno. Markaa waxaanu kulamo kala duwan la qaadanay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Badhan.”

Wasiirku mar uu ka hadlaayay deegaamada ay isaga iyo waftiga uu hogaaminayaa soo mareen waxa uu yidhi "Illaa haddda waxaanu soo marnay deegaamo badan oo ay ka mid yihiin Buraan, Badhan iyo deegaano kale oo ka tiran deegaanada ku teedsan dhulka oogada ah.”

Mudane Cali Buureed awaxa kale oo uu ka hadlay xaalada nololeed ee deegaamadii uu soo maray, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi "Meelihii aanu soo marnay dhulka qaybina waa barwaaqo oo roobaa ka helay, qaybina waa abaar oo roobkii baa ka raagay. Laakiin dadka iyo xooluhuba aad bay u fiican yihiin.”

Wasiirka wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda mudane Cali Jaamac Buureed ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan deegaamadii uu soomaray si wayn looga oogay tukashada salaacada ciidul fidriga xaalada nabadgelyaduna ay aad u fiican tahay



Contact@afkashacabka.com