Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay Aqoonsiga Maagalada Quddus caasimadda Israa'iil.

0
Thursday December 07, 2017 - 11:15:08 in by Burco Office
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay Aqoonsiga Maagalada Quddus caasimadda Israa'iil.

    Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay Aqoonsiga Maagalada Quddus caasimadda Israa'iil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay Aqoonsiga Maagalada Quddus caasimadda Israa'iil.

Madaxweyne Trump ayaa isagoo ka hadlayey Aqalka Cad wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday in magaalada muranku ka taagan yahay ee Quddus ay tahay caasimadda Israa'iil, go'aankaas oo ah mid meesha ka saaraya siyaasaddii uu Maraykanku ku socday tobanaan sano.

Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka laga rari doono magaalada Tel Aviv oo loo rari doono Quddus.

Wuxuu sheegay Mr Trump in go'aankaas aan loola jeedin in Maraykanku uu faraha ka qaaday sidii ay uga go'nayd in nabad waarta laga gaaro bariga dhexe.

Falastiiniyiinta ku nool koofurta marinka Qasa oo hadalkaas aad uga caraysan ayaa gubay sawirka Mr Trump, kan ra'iisul wasaaraha Israa'iil iyo calanka Yuhuudda.

Xalka labada dal

Falastiiniyiin caraysan oo gubay sawirrada Trump iyo NetanyahuLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionFalastiiniyiin caraysan oo gubay sawirrada Trump iyo Netanyahu

Mr Trump wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay inuu taageero xalka labo dal oo lagu dhameeyo khilaafka muddada dheer ka dhex jiray Israa'iil iyo Falastiin.

In yar ka hor intii uusan go'aankaas ku dhawaaqin ayuu madaxweyne Trump sheegay in tallaabadan ay ahayd inay goor hore dhacdo.

Calanka Israa'iil oo gidaar lagu shidayLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionCalanka Israa'iil oo gidaar lagu shiday

Qaybta qaddiimiga ah ee Qudus ayaa gidaar ku yaalla waxaa lagu shiday calanka Israa'iil ka hor intii uusan Donald Trump ku dhawaaqin go'aankiisa.

Sida uu sheegay TVga ABC, waxaa aad loo adkeeyey amniga qaar ka mid ah safaaradaha uu Maraykanku uu ku leeyahay bariga dhexe.

Erdogan: Arrinta Qudus Muslimiinta waxay ug dhigan tahay khad cas

Siday Dunida uga jawaabtay go'aanka Trump

Israa'iil:Ra'iisalwasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu,ayaa ku tilmaamay go'aan taariikhi ah oo caadil ah.

Falstiin:Afhayeen u hadlay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegay in ''albaabadii cadaabta'' ay furmeen.

Faransiiska: Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa yiri ''Ma taageersanin go'aankan oo aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah waana mid shaleyto mudan''.

Turkiga: Wasiirka arrimaha Turkiga ayaa ku tilmaamay tallaabo Kheyrul-mas'uulnimo ah.

Paksitan: Dowldda Pakistan ayaa tiri ''waxaa shallayto mudan in Trump uu iska dhaga tiray baaqyadii caalamka oo dhan uga imaanayay''.

ShiinahaiyoRuushkaayaa wallaac ka muujiyay arrintan waxayna ka digeen xiisadda oo cirka isku sii shareerto.

Ra'iisalwasaarahaUKTheresa May ayaa sheegtay inay Trump arrintan kala hadli doonto.

Midowga Yurubiyo ururkaJaamacadda Carabtaayaa dhankooda walaac ka muujiyay saameynta uu yeelan karo go'aanka Trump.

Qorshaha Trump ee Qudus ma guuleysan doonaa?

Ammaanka oo la adkeeyay

Talaadadii ayaa diblomaasiyiinta Maraykanka iyo ee Israa'iil iyo qoysaskooda waxaa lagula taliyey in aysan u socdaalin qaybta qadiimiga ah ee Quddus iyo daanta galbeed "ilaa iyo amar dambe".

Wasiirka Sirdoonka Israa'iil oo lagu magacaabo Israel Katz wuxuu idaacadda ciidamada u sheegay in "ay isu diyaarinayaa wax kasta" sida in ay rabshado dillaacaan.